Guntii iyo Gabo-gabadii Buuga

Guntii iyo Gabo-gabadii Buuga

Buugan uu qoray James Clear waxa uu ina barayaa in samaynta talaabooyinka yaryar ay ina gaadhsiin karaan meeshii aan rabnay. Casharada aan kusoo xusnay buugan waa kuwo noloshaada wax weyn ka badeli kara haddii aad si wanaagsan u dhuuxdid, naftaadana aad ku dabaqdid.

Waan hubaa, buugan caado cusub waad ku bilaabi kartaa markaad akhrido. Kaliya si yar oo degan u akhri, hana degdegin markad akhrinaysid.

Hadaad halkan soo gaadhay oo aanad wax badan ka faa’iidin buugan, fadlan mar labaad ku noqo oo dib u akhri.

Turjumidu waa Ismail Abdi Ismail. Waxaad iga barateen buugaag tayo leh. Buugaag kaloo noocan ah waxaad ka helaysaa website-keena ismailbook.com .