Cutubka 4aad: ka dhig kuwo cad-cad.
Cutubka 4aad: ka dhig kuwo cad-cad.
Casharka 1aad: Geli Caadada Maskaxda Qaybta Hore (Conscious)
Dhibta ina haysata markaan caadooyinka samaynayno waa inay maskaxdeenu u qabato ama samayso caadada iyadoon ka fikirin, maskaxdu si iskeeda ayay u samaysaa (automatic) iyadoon kula tashan.
Sababtuna waxa weyaan: markaad shay ama aad wax in badan ku celceliso, waxaasi waxa loo gudbiyaa qaybta danbe ee maskaxda, taasoo masuul ka ah inay xogaha kaydiso. Qaybtaan danbe ayaa kaa dhigaysa inaad waxyaabaha qaar samaysid adigoon xitaa ka fikirin, oo mar kaliya ayaad baraarugeysaa adigoo samaynaya caadadii.
Hadafkeenu waxa weyaan in caadooyinka galay qaybta danbe ee maskaxda ee aynu iskeen u samayno , inaan u badelno kuwo aynu ku baraarugsanahay oo aan ogaan karno markay dhacayaan.
Laba hab ayaan adeegsan karnaa si aan u badelno oon wax uga qabanno:
Inaad afka ka tidhaahda markaad rabtid inaad wax qabatid
Habkani waxa uu lamid yahay sidii nin kirishbooy ah kaasoo hubinaya inta qofee lacagta bixisay.Tusaale ahaan, marka aad guriga kasii baxaysid, haddii aad ka cabsanaysid inaad furaha guriga ilawdid, ugu horeynta waa inaad furaha soo qaadatid kadibna aad kor ugu dhawaaqdid oo dhahdid: “Furihii maan sitaa talaw? — Haa, gacantaan ku hayaa.” , “Albaabkii maan soo xidhay? — Haa, waan xidhay.” Marka aad kor ugu dhawaaqdid ficilka aad samaynayso, wuxuu kaa caawinayaa inaad ku digtoonatid ood la socotid waxyaabaha aad samaynayso.
Qor wax walbood samaysid ama qabatid
Laga soo bilaabo marka aad hurdada kasoo kacdid ilaa markaa aad seexanaysid, waa inaad qortid wax walbood samaysid.
Tusaale ahaan sidan ayaad u qori kartaa: “Hurdada ayaan kasoo kacaa, cadayga ayaan soo qaataa, waan cadayaa, kadibna bun ayaan cabaa ama shaah.” Sidoo kale, waa inaad naftaada waydiiso su’aashan: “Waxyaabahan aan qabtaa ama sameeyo maalin walba, ma iga caawinayaan inaan noqdo qofkii aan rabey?” .Markaad talaabooyinkan samaysid, waxaad ogaan doontaa waxyaabaha caadada kuu ah ee aad marwalba samaysid eedan ku baraarugsaneyn marka hore.
Haddii aad ogaato caadooyinkaagana, way fududahay inaad badesho kuwa xun-xun een waxba kuusoo kordhinayn.
Casharka 2aad: Samee Qorsheyaal Toosan oo Jihaysan
Inaad qorsheyaal cad oo toosan samaysato macnaheedu waa inaad garanayso waxyaabaha aad samayn doontid iyo talaabooyinka aad qaadaysid si aad caado wanaagsan u dhistid, ma aha inaad kaliya afka uun ka tidhaahdo.
Tusaale ahaan, ha odhan: “Todobaadkan ayaan jimicsiga bilaabi doonaa.” Taa beddelkeeda waxaad tidhaahdaa: “30 daqiiqo ayaan ordi doonaa maalin walboo Salaaso ah, 7:00 subaxnimo.”
Markaad sidan tidhaahdo, qorshahaagii waxaad ka dhigtay mid cad oo meel u jihaysan, halkii uu ka ahaan lahaa hadal aan ficil la socon oo kaliya.
Sideed Qorshahaaga uga Dhigi kartaa mid Toosan
Si aad qorshahaaga u cadayso, isticmaal qaacidada: “Marka ay [waxaas] dhacaan, waxaan samayn doonaa [ficilkan].”
Tusaale ahaan: “Aroortii marka aan cadaydo, waxaan ku xigsiin doonaa inaan sameeyo 5 bush-ab ah.”
Markaad qaacidadan isticmaasho, waxaad meesha ka saaraysaa wax iska qiyaaskii iyo go’aan la’aantii aad marka hore ku socotey.
Waxaad si cad u garan doontaa goorta, halka, iyo ficilka aad samaynayso ama sameyn doontid. Dad badani waxay ku guuldaraystaan isticmaalka qaacidadan sababtoo ah qorsheyaashooda iyo hadafyadoodu waa kuwo guud oo afkun ah .
Tusaale kale: Qof baa odhanaya “Haddii aan jaranjaro arko, jaranjaradaas ayaan mari doonaa halkii aan ka raaci lahaa wiishka dabaqa.” Hadafkaasi wuu fiican yahay, balse ma aha mid toosan oo qorshaysan. Qorshaha cadi wuxuu u baahan yahay goor, meel, iyo ficil qeexan.
Casharka 3aad: Isku xidh caadooyinka:
Dhisidda caadooyinka cusub
Marka aad caado cusub dhisaysid, waxa kula gudboon inaad caadaada cusub ee aad dhisaysid inaad ku xidhid mid hore usii jirtay. Waxyaabo aad hore u samayn jirtay unbaad ku xidhaysaa caadada cusub. Waabay iska fududahay:
Qaacidadan isticmaal si aad sidan u samaysid:
(“Markaan sameeyo caadadii hore, waxaan ku xigsiin donaa mida cusub”).
Tusaalooyinkan ayaad ku fahmi kartaa:
Markaan aroortii kaco, salaadda subax ayaan tukan doonaa.
Kadib marka aan cadaydo ilkaha, buug baan akhriyi doonaa 20 daqiiqo.
Marka aan shaqada ka imaado, isla markaaba dharka shaqada ayaan iska bixin doonaa, oo waxaan xidhan doonaa kuwa kaloo nafis ah.
Waxa aad u muhiim ah inaad is-qabad siiso ood isku beegto laba caado oo is-qaadanaya, maaha inaad caadooyin aan is-lahayn ama kala waqtiya isku qasabto. Waa inaad si caqliyan ah uga fikirtid markaad qaacidadan isticmaalayso.
Casharka 4aad: Deegaankaaga iyo dunida kugu hareeraysani waxay qaabeeyaan ficillada
aad samaysid.
Daraasad lagu sameeyay maqaayad ku dhex taallay isbitaal ayaa lagu ogaaday in haddii caagadaha biyaha la dhigo meel la dadku wada arkayo, sharaabka soodhaha lehna la qariyo, inay badan doonto iibsashada biyuhu, biyo badanna ay dadku cabi donaan in ka badan sharaabada soodhaha leh.
Haddii aad baddesho waxyaabaha kugu hareeraysan ama degaankaaga, waxa isbeddeli doonaa waxyaabaha aad qabatid ama caadooyinkaga.
Tusaale ahaan, haddii aad rabtid inaad wax badan akhridid, buugga aad rabtid inaad akhrido barkintaada hoosteeda ayaad dhigi kartaa habeenkii si aad mar walba u xasuusatid una aragtid.
Sidoo kale, haddii aad rabtid inaad cuntid khudaar badan, qudaarta weel kusoo guro oo miiska jikadaada saar, halkii aad talaagada ku xareyn lahayd.
Meel walba oo deegaankaaga ka mid ah hal shay ku qabo ama hal ficil ku samee. Tusaale ahaan, habeenkii markaad sariirtaada tagtid haku daawan moobilka — sariirta waxa loogu talagalay kaliya hurdo, ma aha inaad wax ku daawatid.
Miiska waxa loogu talagalay in wax lagu akhriyo ama lagu shaqeeyo, ma aha inaad game ku ciyaarto.
Waa inaad deegaankaaga habaysaa si uu kaaga caawiyo inaad hadafkaaga gaadho oo aad qabato waxyaabihii aad rabtay.
Markaad meel walba u daysid wixii loogu talagalay, maskaxdaada ayaa la qabsan doonta oo mar walba qaban doonta waxa meeshaas loogu talagalay — sida sariirta oo kale, kaliya markaad sariirta tagtid waad seexan doontaa, wax kale qaban maysid.
Casharka 5aad: Ka soo qaad caadooyinkaaga
xun-xun kuwa aan jirinba.
Si aad uga takhalusto caadooyinka xun-xun, baddel deegaankaaga. Tan macnaheedu waa inaad meesha ka saarto waxyaabaha ku xasuusinaya ama kaa dhigaya inaad caadadaas ku noqotid.
Dadka guulaha gaadhay ma aha kuwo awood dheeri ah leh, laakin kaliya deegaanka iyo meesha ay wax ku qabtaan ayay ka dhigeen degaan ka caawiya inay guul gaadhaan.
Tusaale ahaan, haddii aad daawatid TV-ga oo uu waqti badan kaa qaato daawashadiisu, waxaad samayn kartaa hadduu tv-gu qolkaaga hurdada yaallo, waad ka qaaddi oo qol kale ayaad geyn si uusan kuu jeedin ama uusan kuu mashquulin markay rabtid inaad wax qabato.
Sidoo kale, haddii aad maqaayadaha ka cuntid cuntooyin aan caafimaadkaaga u wanaagsanayn, waad iska dayn kartaa ama meherad fog ayaad u doonan kartaa si marka dambe uu kuugu adkaato doonashada cuntadaas.
Ogow, marka ay caadadu maskaxdaada ku samaysanto way adag tahay in la tirtiro ama la joojiyo. Balse, waxaad samayn kartaa inaad xoogga saarto sidii aad u tirtiri lahayd wax walba oo ku xasuusinaya caadadaas. Wax walba oo deegaankaaga ah ama gurigaaga yaalla oo kugu soo celinaya caadadaas waa inaad meesha ka saartaa.