Cutubka 5aad: Ka dhig mid fudud.
Cutubka 5aad: Ka dhig mid fudud.
Casharka 1aad: Awoodda saar ficilka, halkii aad kaliya wax ka qorsheyn lahayd
Waxaa muhiim ah inaad awoodda saartid wax qabashada iyo inaad ficil samaysid, halkii aad kaliya wax ka qorsheyn lahayd ama aad kaliya ka fekeri lahayd.
Tusaale ahaan, markaad rabtid inaad is dhuubtid eed cunto caafimaad leh cuntid, halkii aad baadhi lahayd ama ka fekeri lahayd cuntooyinka la cuno iyo waxyaabahaas, taa beddelkeeda waa inaad ku dhaqaaqdaa oo aad maantaba samaysataa cunto caafimaad leh.
Markaad wax qorsheynayso waxa laga yaabaa inaad dareentid dhiirigelin iyo inaad hore u socoto, laakin runtu waxay tahay, qorshe bilaa ficil ahi meel kuma gaadhsiinayo.
Waxaad u baahan tahay inaad wax qabatid oo aad ku celceliso si uu waxaasi kuugu fududaado.
Mar walbood wax ku celceliso, waa inta badan eed ku fiicnaan doonto waxaas.
“Jooji qorsheynta badan oo ku dhaqaaq; ficilna samee si aad u dhisto caadadii aad rabtay.”
Casharka 2aad: Marka wax lagu celceliyo, maskaxda ayaa la qabsata waxaas.
Mar walbood wax ku celcelisid waa inta badan ee uu waxaasi maskaxdaada kusii xoogaysanayo.
Tan macnaheedu waxa weeye, markaad wax ku celcelisid in badan, waxaas ugu dambeynta maskaxdaadu iskeed ayay u samayn doontaa, xitaa adoon ka fikirin ayay iyadu iskeed u samaynaysaa.
Waxaad ogaataa, muhiim maaha inaad ficilka in badan samaysid, mana jiro caado ku samaysmata waqti cayiman.
Tusaale ahaan, dadka qaar baa dhaha, “30 cisho hadaad wax samaysid waxay noqonaysaa caado.” Laakin muhiimadu waa inaad ku celcelisid waxaas si maskaxdaadu ula qabsato oo uu waxaasi caado kuugu noqdo, maaha inaad kaliya muddo cayiman wax qabatid.
“Si joogto u qabo wax ama badanka wax samee; ugu dambeyn maskaxdaadu way la qabsan doontaa.”
Casharka 3aad: Maskaxdeenu mar walba waxay jeceshahay hawlaha fudud
Waa maxay sababta ay maskaxdeenu mar walba u doonto hawlaha fudud? Sababtu waxa weeye, maskaxdeenu waxay rabtaa inay inoo kaydiso tamarta iyo khayraadka jidhkeena, markaa waxay mar walba raadisaa waxyaabo fud-fudud iyo habab fudud oo ay wax u qaban karto.
Tusaale ahaan, inaad jimicsi samayso wuu kugu adag yahay, laakin inaad shaashadaha daawato way kuu fududahay, waayo maskaxdaadaa iska jecel tahay inay hawlaha fud-fudud qabato ee aan juhdiga badan u baahnayn.
Hadaba, si aad ula tacaasho arrinkan, waxaad u baahan tahay inaad hawlaha ad-adag ka dhigto kuwo fudud ooy maskaxdaadu ay si sahlan u qabato.
Tusaale ahaan, hadaad jimicsiga dhibsato, markaad shaqada sii tagayso ayaad sii mari kartaa jiimka; hadhaw wuxuu noqon doonaa jimicsigu wax aad maalin walba samayso, maskaxduna way la qabsan doontaa.
Sidoo kale, degaankaaga ayaad ka dhigi kartaa mid kaa saacida guusha iyo waxa aad rabto inaad qabato. Tusaale ahaan, habeenkii sii diyaarso dharka aad ku ordi lahayd aroorta.
“Ka dhig caadooyinka kugu adag kuwo fudud oo fududayso si maskaxdaadu u qabato.”
Casharka 4aad: Isticmaal sharciga “2-Daqiiqo” si aad caado cusub u abuurtid
Inaad buug dhan qortid ama inaad 10 km orodid waxa laga yaabaa inay kugu adkaato ama ay kuula muuqdaan wax aan caqli gal ahayn inta hore. Balse, waxaad isticmaali kartaa xeerkan: “kaliya wax samee 2 daqiiqo oo kaliya”, si ay kuugu fududaato caadada cusub ee aad dhisaysid.
Tusaalooyin:
Hadaad rabtid inaad wax akhrido, 1 bog maalintiiba akhri maalmaha hore.
Hadaad wax qorayso, hal bog qor maalintiiba.
Dharka aad ku jimicsanayso habeenkii sii diyaarso, si aanad uga mashquulin jimicsiga aroortii.
Markaad waxyaabo yar-yar qabatid maalintii, waxay kuu horseedaysaa inay maskaxdaadu wax badan qaban karto. Waa wax laga xumaado inaad wax bilawdo, hadana aad dhamayn waydo.
Hadaad ka booddo ood ka tagto jimicsi samaynta, caajis unbaad kasii qaadi doontaa, oo mar kalena ku dhiiran maysid. Samayso wax ku xasuusiya samaynta caadadaas.
Casharka 5aad: Isticmaal waxa loo yaqaan “Commitment Device” si aanad u joojin caadada cusub
Waa maxay “commitment device”? Waa ka hortaga inaad dib ugu noqoto samaynta caadooyinkaagii hore, adigoo meesha ka saaraya waxyaabaha kugu celinaya caadadaas.
Tusaalooyin:
Haddii aanad rabin inaad lacag badan cunto, guriga kaga sii tag khasnada aad lacagta ku ridatid ama lacagta guriga kaga sii tag.
Haddii aad rabtid inaad iska joojisid isticmaalka baraha bulshada, soo dajiso barnaamijyada ka hortaga isticmaalka baraha bulshada.
Sidoo kale, hadaad badeshid degaankaaga ama meesha aad wax ku qabatid, waxaad ka hortagaysaa inaad caadooyinkii xumaa dib ugu laabato.
Qoraaga buuggu wuxuu sheegay inuu lahaa saaxib caawin jirey isaga. Saaxibkii wuxuu marwalba badali jirey furaha (passwords) akoonada baraha bulshada uu qoraagu isticmaali jiray, kaliya qoraagu wuxuu baraha bulshada isticmaali jirey maalinta jimcaha un.
Fikrad muhiim ah ayaa ah:
“Caadooyinka xun-xun ka dhig kuwo ay adag tahay inaad ku noqotid adigoo ka hortagaya wax walboo dib kuugu celin kara ama ku xasuusin kara.”
Casharka 6aad: Tiknoolajiyadu waxay kaa caawin kartaa inaad si fudud ku abuurto caado cusub
Tiknoolajiyada cusub waxay kaa caawin kartaa abuurista caadooyin cusub. Waxa jira aalado badan iyo barnaamijyo teleefanada ku jira kuwaaso loogu talagalay inay qofka ka caawiyaan gaarista yoolalkiisa.
Tusaalooyin:
Waxa jira barnaamijyo loogu talagalay inay qofka ka caawiyaan inuu si fudud lacagtiisa u kaydsado. Waxa kale oo jira barnaamijyo loogu talagalay inay qofka ka caawiyaan cunista cuntooyin caafimaad leh.
Inkastooy aaladahani ku jeedin karaan oo ay kaa mashquulin karaan gaadhista hamigaaga, laakin geesta kale waxay kaa caawin karaan inaad si fudud ku gaadho meeshii aad rabtay. Markaa, waxay ku xidhan tahay adigu sida aad u isticmaasho.