4 Qaab Oo Ay Maskaxdaadu Kuu Khiyaamayso (Adigoon Is Ogeyn!)
Weligaa ma is weydiisay sababta aynu mararka qaar u qaadano go'aamo khaldan u , inagoo weliba u haysana inaan saxannahay? Ama sababta dadku ay ugu yaacaan hal shay oo aan macno badneyn?
Cilmi-nafsiga (Psychology) ayaa arrintan sharraxaya. Waxa jirta xaalad la yidhaahdo Cognitive Biases (Khaladaadka dhanka fikirka ee maskaxda). Si fudud, waa dariiqooyin gaagaaban oo ay maskaxdu isticmaasho si ay degdeg go'aan uga gaadho, laakiin inta badan inagu rida khaladaad.
Aan eegno 4-ta nooc ee ugu caansan oo ay dhalinyaradu inta badan ku dhacaan iyo sida ay cilmi-baadhistu u caddaysay:
1. "Waan saxanahay, cidina igama badinayso" (Confirmation Bias)
Tani waa marka maskaxdaadu ay aqbasho oo kaliya xogta taageeraysa wixii aad horeba u aaminsanayd, laakiin ay iska indho-tirto wax kasta oo ka soo horjeeda aaminadaadaas.
Tusaale ahaan. Haddii aad aaminsan tahay in ciyaartoyga aad taageerto (sida Messi ama Ronaldo) uu yahay kan ugu fiican, waxa aad internet-ka ka raadinaysaa uun muuqaalada muujinaya goolashiisa iyo xirfaddiisa. Laakiin haddii saaxiibkaa isku dayo inuu ku tuso khaladaadkiisa ama meelaha uu ku liito, waxaad odhanaysaa, "Ha iila iman waxaa nio, ronaldo isba waxba ma garanayee" Maskaxdaadu ma rabto inay aragto wax ka hor imaanaya waxaad aaminsan tahay.
Sannadkii 1979-kii, Jaamacadda Stanford ayaa tijaabisay laba kooxood. Waxay hordhigeen warbixino iska soo horjeeda oo ku saabsan ciqaabta dilka. Koox walba waxay rumaysatay uun warbixintii taageraysay ra'yigooda, tii kalena way beeniyeen iyagoo leh "waa warbixin been ah."
2. Isku-dayasho ama "Dadkuba way wada samaynayaan" (Bandwagon Effect)
Waa dabeecadda ah in qofku uu sameeyo ama aamino shay, kaliya sababtoo ah dad badan ayaa sidaas samaynaya. Waa sababta ay waxyaabaha cusub, dharka cusubi, ama "Trends-ka" TikTok ay mar qudha u wada qarxaan.
Tusaale ahaan: Haddii dhalinyarada iskuulkiinu ama jaamacadu ay wada iibsadaan nooc kabo ah ama shaadh ah, adna waad iibsanaysaa adigoon xitaa jecleyn ama aanu dookhaaga ahayn, si aanad asxaabtaada uga soocmin ama aanad uga hadhin.
Cilmi-baadhe la odhan jiray Solomon Asch ayaa tijaabo yaab leh sameeyay 1951-kii. Wuxuu dadka qaar weydiiyay su'aal aad u fudud oo ah (inay kala gartaan xarriiqda ugu dheer). Laakiin markii uu dadkii qolka ku jiray (oo ahaa dad uu soo kireystay oo isaga u shaqeynayay) u sheegay inay si ula kac ah ugu wada jawaabaan jawaab khaldan, 75% dadkii dhabta ahaa ee la tijaabinayay intay is-bedeleen ayay iyaguna raaceen jawaabtii khaldanayd ee aqlabiyadda, si aanay dadka uga soocmin.
3. Ku dhegganaanta Xogta Kowaad (Anchoring Bias)
Waa marka go'aankaaga aad ku salayso xogtii ugu horraysay ee aad maqashay ama aragtay. Arrintan waxaa aad u isticmaala dukaamada iyo meelaha wax lagu iibiyo.
Tusaale ahaan: Waxaad tagtay dukaan si aad kabo u soo iibsato. Kabihii ayaa lagu yidhi waa $100. Aad baad ula yaabtay qaalinimadoda. Laakiin markiiba ninkii dukaanka iibinayay ayaa ku yidhi, "Maanta qiimo dhimis ayaa jirta ee $50 iska bixi." Maskaxdaadu waxay isla markiiba kuu sheegaysaa inaad heshay fursad weyn, sababtoo ah waxay ku dhegganeyd "$100-kii" hore laguugu sheegay. Xaqiiqaduse waxay tahay, kabahaasi malaha markii horaba $30 uun bay joogeen, ee adiga unbaa maskaxdaada la khiyaamayay.
Khubaro ku guulaystay abaalmarinta Nobel-ka (Kahneman iyo Tversky) ayaa tijaabo ay sameeyeen , waxay dadkii tuseen nambaro baqtiyaa nasiib ah (Random numbers), ka dibna su'aalo ayay ka weydiiyeen. Dadku waxay qiyaastoodii gabi ahaanba ku saleeyeen nambarkii ugu horreeyay ee ay arkeen, xitaa isagoon nambarkaasi wax shaqo ah ku lahayn su'aasha la weydiiyay.
4. "Waan sii ogaa in ay sidaas dhaceyso" (Hindsight Bias)
Marka ay dhacaan wax lama filaan ahi ama arrin ay dhammaato, qofku wuxuu isku-qanciyaa in uu hore u sii ogaa natiijada ka hor intii aanay dhicinba.
Tusaale ahaan: Marka la daawanayo ciyaar kubadda cagta ah, haddii koox laga badiyo daqiiqadda ugu dambaysa, saaxiibkaa ayaa markiiba ku odhanaya, "Walaahi waan sii ogaa inay goolkaas dhalinayaan" Laakiin xaqiiqadu waxay tahay, muu ogeyn, ee marka ay dhacday ayay maskaxdiisa u sheegaysaa inuu sii garanayay.
Sannadkii 1972-kii, baadhayaal ayaa dad weydiiyay inay sii saadaaliyaan waxa ka soo bixi doona safar uu madaxweynihii Maraykanku ku tagayay dalka Shiinaha. Markii uu safarkii dhamaaday ee la ogaaday wixii kasoo baxay, ayaa dadkii la waydiiyay wixii ay hore u sii saadaaliyeen. Intooda badani waxay ku dhaarteen inay sii ogaayeen wixii dhacay, iyagoo gabi ahaanba ilaaway qiyaastii khaldanayd ee ay marka hore sameeyeen.
Guntii iyo Gebagebadii: Sidee Isaga Ilaalin Kartaa?
Inaad bini-aadam tahay macnaheedu waa in maskaxdaadu samaynayso khaladaadkan. Laakiin si aad go'aamo caqliyeysan u gaadho, raac 3-dan qodob:
-
Hakad yara gal (Ha degdegin): Marka aad go'aan qaadanayso ama aad cadhaysan tahay, xoogaa neefso oo waqti qaado. Maskaxdu markay degdegayso waa markay khaladaadka ugu badan samayso.
-
Raadi dhan kale: Isku day inaad dhegaysato fikirka kasoo horjeeda kaaga. Ha raadin uun dad kugu raaca waxaad aaminsan tahay.
-
Is-weydii: "Ma anigaa dhab ahaan go'aankan gaadhay, mise dadka uun baan iska raacayaa?"
Xusuusnow, qofka caqliga badani maaha kan aan khaldamin, waa kan og in maskaxdiisu ay mararka qaar khiyaamayso, diyaarna u ah inuu is-saxo.