Cutubka 4aad: ka dhig kuwo cad-cad.

 

Cutubka 4aad: ka dhig kuwo cad-cad.

Casharka 1aad: Geli Caadada Maskaxda Qaybta Hore (Conscious)

Dhibta ina haysata markaan caadooyinka samaynayno waa inay maskaxdeenu u qabato ama samayso caadada iyadoon ka fikirin, maskaxdu si iskeeda ayay u samaysaa (automatic) iyadoon kula tashan. Sababtuna waxa weyaan: markaad shay ama aad wax in badan ku celceliso, waxaasi waxa loo gudbiyaa qaybta danbe ee maskaxda, taasoo masuul ka ah inay xogaha kaydiso. Qaybtaan danbe ayaa kaa dhigaysa inaad waxyaabaha qaar samaysid adigoon xitaa ka fikirin, oo mar kaliya ayaad baraarugeysaa adigoo samaynaya caadadii.

Hadafkeenu waxa weyaan in caadooyinka galay qaybta danbe ee maskaxda ee aynu iskeen u samayno , inaan u badelno kuwo aynu ku baraarugsanahay oo aan ogaan karno markay dhacayaan.

Laba hab ayaan adeegsan karnaa si aan u badelno oon wax uga qabanno:

1) Inaad afka ka tidhaahda markaad rabtid inaad wax qabatid
Habkani waxa uu lamid yahay sidii nin kirishbooy ah kaasoo hubinaya inta qofee lacagta bixisay. Tusaale ahaan, marka aad guriga kasii baxaysid, haddii aad ka cabsanaysid inaad furaha guriga ilawdid, ugu horeynta waa inaad furaha soo qaadatid kadibna aad kor ugu dhawaaqdid oo dhahdid: “Furihii maan sitaa talaw? — Haa, gacantaan ku hayaa.” , “Albaabkii maan soo xidhay? — Haa, waan xidhay.” Marka aad kor ugu dhawaaqdid ficilka aad samaynayso, wuxuu kaa caawinayaa inaad ku digtoonatid ood la socotid waxyaabaha aad samaynayso.
2) Qor wax walbood samaysid ama qabatid
Laga soo bilaabo marka aad hurdada kasoo kacdid ilaa markaa aad seexanaysid, waa inaad qortid wax walbood samaysid.
Tusaale ahaan sidan ayaad u qori kartaa: “Hurdada ayaan kasoo kacaa, cadayga ayaan soo qaataa, waan cadayaa, kadibna bun ayaan cabaa ama shaah.” Sidoo kale, waa inaad naftaada waydiiso su’aashan: “Waxyaabahan aan qabtaa ama sameeyo maalin walba, ma iga caawinayaan inaan noqdo qofkii aan rabey?” .

Markaad talaabooyinkan samaysid, waxaad ogaan doontaa waxyaabaha caadada kuu ah ee aad marwalba samaysid eedan ku baraarugsaneyn marka hore. Haddii aad ogaato caadooyinkaagana, way fududahay inaad badesho kuwa xun-xun een waxba kuusoo kordhinayn.

Casharka 2aad: Samee Qorsheyaal Toosan oo Jihaysan

Inaad qorsheyaal cad oo toosan samaysato macnaheedu waa inaad garanayso waxyaabaha aad samayn doontid iyo talaabooyinka aad qaadaysid si aad caado wanaagsan u dhistid, ma aha inaad kaliya afka uun ka tidhaahdo.

Tusaale ahaan, ha odhan: “Todobaadkan ayaan jimicsiga bilaabi doonaa.” Taa beddelkeeda waxaad tidhaahdaa: “30 daqiiqo ayaan ordi doonaa maalin walboo Salaaso ah, 7:00 subaxnimo.”

Markaad sidan tidhaahdo, qorshahaagii waxaad ka dhigtay mid cad oo meel u jihaysan, halkii uu ka ahaan lahaa hadal aan ficil la socon oo kaliya.

Sideed Qorshahaaga uga Dhigi kartaa mid Toosan

Si aad qorshahaaga u cadayso, isticmaal qaacidada: “Marka ay [waxaas] dhacaan, waxaan samayn doonaa [ficilkan].”

Tusaale ahaan: “Aroortii marka aan cadaydo, waxaan ku xigsiin doonaa inaan sameeyo 5 bush-ab ah.”

Markaad qaacidadan isticmaasho, waxaad meesha ka saaraysaa wax iska qiyaaskii iyo go’aan la’aantii aad marka hore ku socotey. Waxaad si cad u garan doontaa goorta, halka, iyo ficilka aad samaynayso ama sameyn doontid. Dad badani waxay ku guuldaraystaan isticmaalka qaacidadan sababtoo ah qorsheyaashooda iyo hadafyadoodu waa kuwo guud oo afkun ah .

Tusaale kale: Qof baa odhanaya “Haddii aan jaranjaro arko, jaranjaradaas ayaan mari doonaa halkii aan ka raaci lahaa wiishka dabaqa.” Hadafkaasi wuu fiican yahay, balse ma aha mid toosan oo qorshaysan. Qorshaha cadi wuxuu u baahan yahay goor, meel, iyo ficil qeexan.

 

Casharka 3aad: Isku xidh caadooyinka:
Dhisidda caadooyinka cusub

Marka aad caado cusub dhisaysid, waxa kula gudboon inaad caadaada cusub ee aad dhisaysid inaad ku xidhid mid hore usii jirtay. Waxyaabo aad hore u samayn jirtay unbaad ku xidhaysaa caadada cusub. Waabay iska fududahay:

Qaacidadan isticmaal si aad sidan u samaysid:
(“Markaan sameeyo caadadii hore, waxaan ku xigsiin donaa mida cusub”).

Tusaalooyinkan ayaad ku fahmi kartaa:

  1. Markaan aroortii kaco, salaadda subax ayaan tukan doonaa.
  2. Kadib marka aan cadaydo ilkaha, buug baan akhriyi doonaa 20 daqiiqo.
  3. Marka aan shaqada ka imaado, isla markaaba dharka shaqada ayaan iska bixin doonaa, oo waxaan xidhan doonaa kuwa kaloo nafis ah.

Waxa aad u muhiim ah inaad is-qabad siiso ood isku beegto laba caado oo is-qaadanaya, maaha inaad caadooyin aan is-lahayn ama kala waqtiya isku qasabto. Waa inaad si caqliyan ah uga fikirtid markaad qaacidadan isticmaalayso.

 

Casharka 4aad: Deegaankaaga iyo dunida kugu hareeraysani waxay qaabeeyaan ficillada
aad samaysid.

Daraasad lagu sameeyay maqaayad ku dhex taallay isbitaal ayaa lagu ogaaday in haddii caagadaha biyaha la dhigo meel la dadku wada arkayo, sharaabka soodhaha lehna la qariyo, inay badan doonto iibsashada biyuhu, biyo badanna ay dadku cabi donaan in ka badan sharaabada soodhaha leh.

Haddii aad baddesho waxyaabaha kugu hareeraysan ama degaankaaga, waxa isbeddeli doonaa waxyaabaha aad qabatid ama caadooyinkaga. Tusaale ahaan, haddii aad rabtid inaad wax badan akhridid, buugga aad rabtid inaad akhrido barkintaada hoosteeda ayaad dhigi kartaa habeenkii si aad mar walba u xasuusatid una aragtid.
Sidoo kale, haddii aad rabtid inaad cuntid khudaar badan, qudaarta weel kusoo guro oo miiska jikadaada saar, halkii aad talaagada ku xareyn lahayd.

Meel walba oo deegaankaaga ka mid ah hal shay ku qabo ama hal ficil ku samee. Tusaale ahaan, habeenkii markaad sariirtaada tagtid haku daawan moobilka — sariirta waxa loogu talagalay kaliya hurdo, ma aha inaad wax ku daawatid.
Miiska waxa loogu talagalay in wax lagu akhriyo ama lagu shaqeeyo, ma aha inaad game ku ciyaarto.

Waa inaad deegaankaaga habaysaa si uu kaaga caawiyo inaad hadafkaaga gaadho oo aad qabato waxyaabihii aad rabtay.
Markaad meel walba u daysid wixii loogu talagalay, maskaxdaada ayaa la qabsan doonta oo mar walba qaban doonta waxa meeshaas loogu talagalay — sida sariirta oo kale, kaliya markaad sariirta tagtid waad seexan doontaa, wax kale qaban maysid.

 

Casharka 5aad: Ka soo qaad caadooyinkaaga
xun-xun kuwa aan jirinba.

Si aad uga takhalusto caadooyinka xun-xun, baddel deegaankaaga. Tan macnaheedu waa inaad meesha ka saarto waxyaabaha ku xasuusinaya ama kaa dhigaya inaad caadadaas ku noqotid.

Dadka guulaha gaadhay ma aha kuwo awood dheeri ah leh, laakin kaliya deegaanka iyo meesha ay wax ku qabtaan ayay ka dhigeen degaan ka caawiya inay guul gaadhaan.
Tusaale ahaan, haddii aad daawatid TV-ga oo uu waqti badan kaa qaato daawashadiisu, waxaad samayn kartaa hadduu tv-gu qolkaaga hurdada yaallo, waad ka qaaddi oo qol kale ayaad geyn si uusan kuu jeedin ama uusan kuu mashquulin markay rabtid inaad wax qabato.

Sidoo kale, haddii aad maqaayadaha ka cuntid cuntooyin aan caafimaadkaaga u wanaagsanayn, waad iska dayn kartaa ama meherad fog ayaad u doonan kartaa si marka dambe uu kuugu adkaato doonashada cuntadaas.

Ogow, marka ay caadadu maskaxdaada ku samaysanto way adag tahay in la tirtiro ama la joojiyo. Balse, waxaad samayn kartaa inaad xoogga saarto sidii aad u tirtiri lahayd wax walba oo ku xasuusinaya caadadaas. Wax walba oo deegaankaaga ah ama gurigaaga yaalla oo kugu soo celinaya caadadaas waa inaad meesha ka saartaa.

Cutubka 5aad: Ka dhig mid soo jiidasho leh.

Casharka 1aad: Caado saameynta iyo hormoonka “dopamine” way isku xidhan yihiin.

 

“Dopamine” waa hormoon kiimiko kaasoo ay maskaxdu soo dayso. Hormoonkani waxa uu inaga dhigaa inaan dareenno wanaag iyo farxad — waa habka ay maskaxdu inagu abaalmariso markaan wax samayno ama caado wanaagsan yeelanno.
Tusaale ahaan, markaad cuntid cunto aad jeceshahay, marka lagu amaano, ama markaad gaadho hadafyadaadii, maskaxdaadu waxay soo daysaa hormoonkan “dopamine” loo yaqaan kaas oo kaa dhigaya inaad farxad iyo xiiso dareento.

Hormoonkan dopamine waxa uu saamayn weyn ku leeyahay doonisteenna, waxyaabaha ina dhiirrigeliya, qaabka aan wax u baranno, iyo xitaa dhaqdhaqaaqeena. Waa qayb muhiim ah oo maskaxdeena ka mid ah.

Maskaxdu ma soo dayso hormoonkan dopamine marka aad abaalmarinta heshid oo kaliya — waxa kale oo lasoo daayaa marka aad filayso inaad abaalmarin heli doonto. Filashadaas ah inaad abaalmarin heli doontoo ayaa kugu qasbeysa inaad ficil samayso si aad u hesho abaalmarintaas. Tusaale ahaan, markaad baraha bulshada sawir soo dhigto ama istatuska, waxaad filaysaa inaad falcelin fiican heli doonto oo dadku ay ka heli doonaan waxa aad soo dhigtay. Filashadaas ayaa kugu riixaysa inaad marar badan wax soo dhigto.

Sidoo kale, marka aad balwad samayso, sida inaad qaad cuntid ama imaad sigaar cabtid, waxaad filaysaa inaad abaalmarin ka heli doontid balwadaas, waana waxa marwalba kugu qasba inaad marar kaloo badan sameysid balwadaas.

Filashada aad fileyso abaalmarinta ayaa kugu sababta inaad ficil samayso ama caado. Kadib marka aad heshid abaalmarintaas oo maskaxdu soo dayso hormoonka dopamine ee farxadda iyo xiisaha keena, waxaad sii rabi doontaa inaad mar kalena hesho farxadii iyo wanaagii. Markasta oo aad abaalmarin heshid, waxaad sii rabtaa mid kale — waana sida caadooyinka u samaysmaan. Maskaxdaadu way la qabsataa in mar walba oo aad ficil samayso ay ku abaalmariso, adiguna mar walba waad doonaysaa abaalmarintaas.

Casharka 2aad: Isku xidhida caadooyinka — si ay caadadu kuugu noqoto mid soo jiidasho leh.

Isku xidh caado ama wax aadan jeclayn inaad samayso iyo caado aad ku raaxaysato samaynteeda.
Tusaale ahaan, haddii aad jeceshahay inaad filimaan daawato laakiin aad ka meermeerto inaad jimicsato, waxaad samayn kartaa inaad filimka daawatid adigoo jimicsi samaynaya.
Markaad sidan samayso, waxaad isku xidhaysaa laba caado, waxaana kuu fududaan doonta inaad dhisto ama samayso caadadii aad hore uga diidnayd ama necbayd.

Markaad dhisaysid caado wanaagsan, ka dhig mid xiiso leh adigoo ku xidhaya oo la samaynaya caado kale oo aad jeceshahay ama aad ku raaxaysatid. Qaacidadan fudud isticmaal si aad marwalba u xasuusnaato:

“Kadib markaan sameeyo caadada aan hadda sameeyo, waxaan samayn doonaa caadada aan u baahanahay.” “Kadib waxaan qaban doonaa caadada aan rabo.”

Tusaale ahaan: Aroortii marka aan shirka kasoo baxo, kadib waxaan samayn doonaa jimicsi. Kadib jimicsiga, waxaan yara daawan doonaa TikTok. Maskaxdaadu waxay filan doontaa abaalmarinta ay helayso markaad TikTok daawatid, kadib samaynta jimicsigu kuma dhibi doono — waxayna kuu noqon doontaa wax aad si dabiici ah u samayso si aad u heshid abaalmarinta ka dambeysa.

Casharka 3aad: Dhaqanka iyo bulshadu waxay qaabeeyaan caadooyinka.

Bini’aadam ahaan, waxaa si dabiici ah inoogu abuuran doonis ah inaynu rabno inaan bulshada ku dhex jirno iyo inaan koox gaar ah ku tiirsanaano oon wax la qabsanno iyaga. Sidaa darteed, waxaynu samaynaa ficillada iyo caadooyinka ay sameeyaan bulshada aan ka tirsanahay. Tan macnaheedu waxa weeye, kooxdaa aynu ka tirsanahay ama bulshada aan ka tirsanahay waxay sameeyaan ayaan inaguna samaynaa si aynaan dadka uga dhex bixin. Una dareeno inaan meel gaar ku tiirsanahay.

Waa wax dabiici ah oo kama maaranno inaan dadka la macaamilno, waxaynaan samaynaa wax walba oo ay iyagu sameeyaan, dadkaa aan ku dhex jirnaa.

Geesta kale, dhaqanka ay leedahay bulshada aad kasoo jeeddo, hadduu dhaqankaasi taageerayo in la sameeyo caadooyin xun-xun ama kuwo wanaagsanba, adigu waxaad tahay kii raaca ee sameeya waxay dadkaasi sameeyaan — waana wax si dabiici ah u dhaca.

Haddaba, haddii aad rabto inaad caado cusub dhisto, waa inaad tagtaa meel caadadaa laga ciseeyo ama aad ku biirtaa koox ay caadadaasi dhaqan u tahay.
Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad si maalinle ah u oroddo, waxaad la saaxiibi kartaa oo aad ku biiri kartaa koox orodyahanno ah kuwaas oo maalin walba orda — orodkuna uu caado u yahay.

Waa maxay sababta ku biiritaanka iyo ku tiirsanaanta bulsho gaar ahi muhiim ugu tahay bini’aadamka? Sababtu waa mid iska cad — marka aad koox gaar ah ka tirsan tahay, waxaad dareemaysaa inaad meel kasoo jeeddo oonad cidlo ahayn. geesta kale, way adag tahay inaad isbeddel samayso haddii saaxiibbadaa iyo dadka kugu xeerani ay kaa soo horjeedaan ama ay sameeyaan wax cagsi ku ah waxaad rabto.

“Muhiimadu waa: Inaad ku biirto dad ay caadooyinka wanaagsani agtooda qiimo ku leeyihiin”

Casharka 4aad: Damaca : Baahiyaha Aasaasiga ah ee Bini’aadamka

Waxaad isku malaynaysaa inaad u baahan tahay inaad cuntid pizza, sababtoo ah way macaan badan-tahay. Laakiin haddii caadi loogu fiirsado sababta saxda eed aad u rabtid inaad cuntid cuntadaa, waxa weeyaan: horta bini’aadam ahaan waxaa si dabiici ah inoogu abuuran doonista ah inaan badbaadno iyo inaan nolaano. Si aan u badbaadno hadaba, waxa qasab inagu ah inaan wax cuno, waana sababta saxda ah ee aad u rabtid inaad cuntadaas cuntid.

Sidoo kale, haddii aad rabtid inaad ciyaarto ciyaaraha geemiska ah ee shaashadaha lagu ciyaaro, sababta aad u rabtaa waxa laga yaabaa inay tahay: waxaad rabtaa inaad saaxiibo samaysato ama aad guul si sahlan u gaadho kadibna lagu aamino marka aad geemka ku guulaysato.

Waxan oo dhani waa baahiyo aasaasi ah oo aad buuxinayso adigoon ka fekerayn, si dabiici ah unbaad u qabaneysaa.

Ujeeddada casharkan waa:
Waxaad ogaan doontaa in wax walba oo aad qabato ama samayso, sababta aad u qabato ay tahay inaad dhamaystirto oo aad heshid mid kamida baahiyahaaga aasaasiga ah. Waxa ka mid ah baahiyahaas:

1) Inaad badbaado oo aad ammaan heshid.
2) In lagu jeclaado iyo inaad dad ku tiirsan tahay ood meel kaso jeedo.
3) Inaad dareento inaad tahay qof muhiim ah, ooy dadku kula dhacaan.

Haddaba, samayso oo dhis caadooyin kaa caawinaya dhamaystirka baahiyahaaga aasaasiga ah. Tusaale ahaan, waxaad rabtaa inaad oroddo — koox maalin kasta orodda ku biir.
Jimicsi + Saaxiibo = waa Guul weyn.

Markaad sidan samayso ee aad koox ku biirto, waxaad fulisay mid ka mid ah baahiyahaagii aasaasiga ahaa, oo ah ku-tiirsanaanta dadka kale ama inaad meel ka soo jeeddo oo aad bulsho ku dhex jirto.

 

Casharka 5aad: Beddel Kalmadahaaga, waxaad beddeli doontaa Maskaxdaada

Qoraaga buuggu waxa uu inoo soo jeedinayaa in haddii aad rabto inaad maskaxdaada isbeddel waara ku samayso, waa inaad beddeshaa kalmadaha iyo hadalka aad naftaada kula hadasho.

Kalmadaha uu qoraagu inoo soo jeedinayo waxa ka mid ah: inaad tidhaahdo “waan samaynayaa waxa” halkii aad ka odhan lahayd “waa qasab inaan waxaas sameeyo.”

Tusaale ahaan, halkii aad ka odhan lahayd “waa qasab inaan ordo,” taa badalkeed waxaad dhahdaa “waan ordayaa” ama “waan samaynayaa orodka.”

Ujeeddadu waxay tahay: inaad waxyaabaha kugu adag inaad qabato aad uga fekerto si wanaagsan oo togan, halkii aad uga fekeri lahayd si taban ama aad wax xun uga soo qaadi lahayd. Dhibaatada si togan uga feker , maskaxdaaduna iyadoo xalisay dhibtii ayaad arki doontaa.