Billowga sheekada
Billowga sheekada
Wax haddii ay ku saaran yihiin waa si kale e, oo miidaamo dhago ma leh haddii uu malag dhawaaqayo e, Maalin maalmaha ka mid ah ayaan go'aansaday in aan ka safro magaaladii aan jeclaa oo aan ku noolaa, taasoo ahayd meel aan muddo labaatan sano ah daganaa, waxkasta oo ku saabsanna aan fahmay, noloshayduna si macaan ay ula qabsatay. Aan soo koobo e, magaaladaasi waxaa ay ii noqotay gurigaygii aan ku barbaaray oo kale, markasta oo aan safar aadana waxaa aan usoo laaban jiray aniga oo aad ugu xiisay, marka aan imaadana dagannaan dhamaystiran ayaan dareemi jiray.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaan qorsheeyay in aan safar uga baxo magaaladii aan sidaa u jeclaa, waxaa aan qaatay lacag fara badan oo aan muddo dheer kaydinayay si aan maalin maalmaha ka mid ah dalxiis ugu baxo, maalintaas ayayse ii rumoowday, oo ay ii suurta gashay, nasiib wanaag waxaan u baxay safarkaygii koobaad wixii aan kala kulmayna haddii aan kuu sheego, caqligaaga ayaa diidaya.
Safar ayaan isku diyaariyay boorsooyinkaygii ayaana xirxirtay si aan uga ambabaxo magaaladii aan ku dhaqnaa, lacag badan ayaan wataa oo aan safarkayga oo dhan diyaarad uga dhigan karo, balse ma rabo oo waxaa uu qorshahaygu yahay in aan indhaha ka buuxsado waxa igu cusub oo dhan.
Waxaa aan aaday halkii gaariga laga raaci jiray, maadaama aan diidanaa in aan diyaarad raaco, waxa kale ee suurta galin kara in aan safarkayga u baxana waa gawaarida Dadwaynuhu raacaan ee magaaladaasi ka tagi jirtay, sidii aan usii socday ayaan isgeeyay goobtii gaariga baxaya la dhigi jiray, mase wax gaari ah oo hadda ku diyaarsanba ma jiraan ! Dib ayaan iskula hadlay aniga oo is leh wallee naftaada ayaad balaayo uga sheekaysay oo in aad diyaaradda raacdo, aad u diiday, maxaa kuu diiday diyaaradda iyada ayaa mar kasta diyaar ahe?
Intii aan isla hadlaayay ayay qaybo maskaxdayda ka mid ah fikir cusub soo direen iyaga oo leh, waar xeebta tag oo doomo baxaaya raadi maxaa kaligaa cidladaan ku dhigay waa goob wax gawaari ahba aanay joogin e, haddii aad diyaaraddii ka hartay, gaarigiina waysay doon raadi oo badda mar. Safarkii cirka haddii aad weyso safarka dhulkana wayso, safarka badda bal fiiri.
Waxaan tagay Xeebta magaaladii aan joogay oo magaala xeebaad ahayd, si degdeg ah ayaan marsada u tagay waxaana weydiiyay in ay jirto doon diyaar ah oo goordhaw magaalada ka ambabaxaysa, waxaa la iisheegay in ay isla maantaba baxayso doon ay laba dumara kiraysteen oo ay doonayaan in ay kusoo dalxiisaan,
Anigu waan farxay oo waxaan is iri waxaaga ayuu wax alle kuugu daray se qorshuhu sidaa waa uu ka duwanaa balse anigu ma dareemin.
doontii ayaa la i tusay, waxaana dareemay in doonta la is tusayi ay ku dalxiisi rabaan dad dabaqadda sare ah maxaa yeelay waxaa loo qalabeeyay sidii guri boqor, noockasta oo cunno ahna waala saaray.
Intaas markii aan arkay ayaan lacagtii aan doonta dalxiiska ah ku raaci lahaa shubay, boos wanaagsan oo aan si fiican wax uga daawan karona ka qabsaday. Waxaan is lahaa tolow ma adiga iyo labada gabdhood kaliya ayaa doontaan ku dalxiisi doona mase qolo kale ayaa imaandoonta? Aniga oo sidii su'aalo farabadan isku weydiinaya, oo aniga hadana iskaga jawaabaya, ayaan mar qura ka war helay gabar aad mooddo in ay tahay qof xambaarsan wixii qurux dunida taallay oo dhan, show iyada ayaaba quruxdii xadday, qandi yar oo xiran ayay iisoo tuurtay iyada oo aan ila hadlin, waana iska dhaqaaqday xitaa dib iima soo fiirin, inkastoo aan anigu sii fiirinayay oo aan niyadda iska lahaa tolow may markale muuqa wajigeeda kugu sadaqaysato aad u ducayside? Waa ay iga dahantay aniga oo sii eegaya.
Qandigii ayaan soo qaaday mase waxaa korka uga qoran ADIGA waan yaabay oo waxaan dareemay in xaaladu sidii aan mooday aanay ahayn. Meel laga furo ayaan raadiyay waxaana helay meel ay ku qoran tahay halkaan ka fur.... waan furay waxaana isoo gashay caraf xad dhaaf ah oo aan ku sigtay in aan la qayliyo......
Waxaa i saaqday caraftii kasoo baxaysay gasha ay farriintu ku jirto, waana xaqiiqsaday in farriintu ay tahay farriin qof dan iga leh uu soo diray ay tahay se waxa aan rumaysan la'ahay sababta farriin la iigusoo diri karo aniga oo xitaa aana meeshaan waligeey immaan? Tolow ma naag jinni ayaa ku jeclaatay ? Oo hadde maxaad u aragtay haddii ay jinni ahayd ? Mararka qaar jiniga waala arkaa sow maaha ? Haa waala arkaa ? Macquul in ay jinni ahayd, haah waa jin maxay kuula hadli weysay haddii aanay wax jirin ? Maxaa lugaha iyo gacmaha uga fiirin weysay in ay saddex farood tahay iyo in kale ? Oo ma iyadaa i tusi lahayd waa ay xijaabneede ? Wallee waxbaa ku helay miyay soo laaban doontaa mase waa sida ay u tagtay ? Oo haddaba ma anigaa sheegi kara in ay ila joogto iyo in kale haddii ay is badashay ka waran ? ma anigaa aqaana ?
Intaas iyo in ka badan oo su'aalo ah waxaan is weydiiyay intii aan waraaqdii ay farriintu ku qornayd aan gasha kasoo bixinayay. Maskaxdii ayaa farriimahaasi mid mid usoo diraysay anna xitaa mid jawaabteeda ma haleelayn oo mid kale ayaa la dulsaarayay.
Waan soo bixiyay farriintii waxaana ku qornayd " waan ku salaanay anaga oo labo waa inoo farxad in aad doonteena soo raacdo wehel ayanu u baahnayn, marba haddii aad nasoo raacday ninkaagan feeraha weyn leh, waan faraxnay xugtaadana waxaan ka helnay telefoonka aad xafiiska uga soo tagtay... Ogowse wixii kugu dhaca in aanay jirin cid aad u raacanayso waayo dadka aad raacayso waa dad baxsad ah aniga oo ah qofka farriinta kuu keentay waxaan ka cararayaa qasab xagga waalidka iiga yimid oo aanan raalli ku ahayn...... Ma jiri doonto cabsi lacageed oo kusoo wajihi doonta iyo mid colaadeed.
Mar waan farxay marna waan naxay, mar waan farxay oo waxaan ku farxay in qoftii farriintaan ii keentay aan mar labaad doonta isku arkayno, marna waan naxay oo hadalkeeda waxaa iiga dhadhamayay in ay suurta gal tahay in dadka aan raacayo ay yihiin dad baxsad ah doontana ay iyaga oo kali ah ay u kiraysan tahay, oo aanay jirin cid kale oo na raacaysa haddii laga reebo hal nin oo naaquude ah, magaalada aan u socono marka aan tagnana inaga soo laaban raba oo doonta soo celin raba......
Waa farxad lagu daray naxdin, warqadii ayaan gasheedi ku celiyay doonta dhagax weyn oo aan ku dul fadhiyay oo doonta agteeda yaalay ayaan dulsaaray. Mid waardiyeyaasha ka mid ahaa ayaa igu qayliyay isagoo leh " Hooy ! Waryaa ! Heey ! Maxaad ahayd waryaa ! " xaggiisa ayaan aaday si aan ula hadlo se hub ayuu iila soo baxay ! Waan isku naxay balse intii aana la hadlin ayuu agtayda nal cagaaran ka shidmay ! Isla markiina ninkii raali galin ayuu bixiyay.
Waxa aan damcay in aan dhagaxaygii dib ugu laabto oo aan meeshaydii iska fariisto warqadiina dib u akhristo, balse arrinta la yaabka lahayd ayaa ahayd in aan waayay warqadii dhammaanteedba !? Waa yaabe yaa qaatay ? Hayaay waa sheeko jinni jinni ah miyaa? Ma hadda ayay jinniyo iiga sheekayn rabaan ?!.
Halkaas markaan maraayay Waxaaa aan xasuustay in hadda ka hor la iigaga sheekeeyay sheeko la yiraahdo alfa layl wa layl ( kun habeen iyo habeen) sheekadaas oo ay ku jirtay gabar jin ahayd oo intay wiil insi ah jeclaatay insi iskusoo ekaysay, markii ay gacanta ku dhigtayna jinigeedii u laabatay.
Waxaan is iri arrintii ayaa adna ku haysata se anigu cidna ma jeclaan sida aan filaayana cidna ima jeclaanayso waayo waxaan ahaa nin aan quruxbadnayn hadana kaftan iyo sheeko lagu xusho aan lahayn. Waan yaabahanay oo qalbiga ayaa i gadgadoomaya sida bac ay dabayl ku ciyaarayso. Doontii ayaan ku laabtay misna wax jooga ma laha, oo waxaa niyadayda ku jirtay armuu qof inta dafay doontaan dhexgalay. Se waan ka waayay, waan soo cararay waxaana aaday qolkii markii hore aan soo maray oo mid lagu nasto u ekaa mase haddii aan tagay meeshii waxaa taalay boorso yar oo nuuca ay dumarku qaataan ah, cidna ma joogin gurigana kor ayuu ka xirnaa, oo aniga ayaa furay.
Daqiiqado markaan dultaagnaa boorsadii ayaan go'aansaday in aan bal furo, haddana waxaan is iri ka waran haddii qofkii iska lahaa uu yimaado oo uu sharciga kula tiigsado ka waran? Intaas kuma hakan ee intaan wadnaha gufa gufaystay ayaan furay mase waxaa ku jirtay lacag farabadan oo xad dhaaf ah ! Waan yaabay oo waxaa aan u qaadan waayay in lacag intaa le'eg looga tagto qolkaas cidlada ah, waan istaagay, waxaana go'aansaday in aan ka dhaqaaqo meesha se boorsada qaybteeda hoose ayaan ka dareemay in ay yar buurantahay, waan furay mase waxaa ku jirta farriin gal ku jirta taasoo aan u maleeyay tii markii hore la ii keenay.
Galkii ayaan ka furay mase waan akhriyay, waxaa ku qoran : Waad dareemayaa in aad argagaxsan tahay balse is daji xaaladdu waa caadi dhib ma jiro ogowse hawl badan ayaa ku sugaysa ee ka dhaqaaq meesha aad hadda taagan tahay oo iridda kuu furmi doonta ka bax.
Isla markiibana waxaa furmay albaab aana xitaa dareensanayn in uu albaabyahay ! Waan yaabay waxaase ka yaab badnayd markii aan u dhawaaday ayuu xirmay waxaa uuna sidii daabacaaddii iisoo saaray warqad.....! Warqadda waxaa ku qoran : Waad bixi kartaa balse waa in aad boorsadaan qaadid oo aad u gaysid ninka aan kuu tilmaami rabo....
Boorsadii ayaan qaaday waxaana ka baxay iriddii furnayd, mase waxaa ay usii furan tahay hul mugdi ah oo aan xitaa isha farta lala helayn, waan isku naxay waana ka shalaayay in aan raaco warqad aanan ogayn cid soo dirtay, waxaa iftiimiyay moobeel jeebka iigu jiray nalkiisii waxaana ii muuqaday albaab kale oo furan oo ay dabayshu wiifinayso.... waan aaday balse markii aan u dhawaaday ayuu nalkii iga damay, ma ogi sababta uu u damay se waxaan hubaa in uu damay nalkii iyo xitaa moobeelkii, mana dhihi karo dab la'aan ama cillad kale ayaa jirtay, waxaa kale oo cajiib igu noqotay mar allaale markaan banaanka u baxay ayaan ka war helay iftiin xad dhaaf ah oo i indha sarcaadiyay oo jihada iga qasay! Waan qayliyay afka ayaana furtay oo waxaan ku qayliyay waar inabadgaliyaaaay!! anigu waxba idinkuma samayneey, Ilaaheey ma taqaaniin !
Mase maqal wax ii jawaabay oo waxaan u ekaa nin meel cidlo ah ka qaylinayay daqiiqado har ka dib ayaan maqlay shanqar iga nixisay, waxaa ay kasoo baxaysay dhinicii nalka mooyee dhinicii kale, waxaan damcay in aan fiiriyo, balse waxba waan arki waayay, waxaa aan ka war helay wax sinta si xooggan iiga dhacay ! Isla markaana intay dharkii aan xirnaa sidii mudaca ugasoo dhexbaxeen jirkayga muday oo sidii gammuun caarad leh ii muday !! Alla naxdin weynaa ! isla markiina waan saaqmay oo waxaan ka war helay xanuunsida kabaabyada ah oo igusii faafaya oo meeshii ay jugta iiga dhacday oo waxa iga mudeen kasoo billaabanaysa, gacanta ayaan la aaday mase waa bir yar oo afkeeda hore uu jirkayga ku mudan yahay, dib kuusan oo ay leheedna ay bannaanka taalo, intaan dibkii ka qabtay ayaan xoog usoo jiiday ! Waa ay soo baxday iyaga oo xoogaa hilib ah wadata, markaas ayaana ogaal iigu dambaysay.....
Waxaa aan soo kacay aniga oo sida wax biyo lagu dhexriday u qoyan, gurigii mugdiga ahaa ee halka dhinac uu nalku ka shidnaayna wuu wada iftiimayaa se waxyaalla ama wax cadayn ah loogama tagin, mana sheegi karo xitaa in uu girigu kan ahaa iyo in kale, waxaa aan dareemay in biyo la igu rusheeyay mase ogayn cid i rushaysay, waan yaabay, waxaana fahmi waayay waxa hareerahayga ka socda iyo dhibka aan gaystay oo la iga jaraayo ! Anoo murugaysan oo dalxiiskii aan usoo baxay ka shalaayay, markastana naftayda ku hiifaya in ay iyadu jeclaysatay socodkaan baas ee aan joogsiga lahayn, waxaan isku canaantay maxaa kuu diiday in aad hal magaalo iska dagtid oo aadan warwareeginba !.
Aniga oo meeshii naftayda la hadlaaya ayaa waxaa aan meel iidhaw uga jeeday moobilkaygii iyo warqad ka hoosaysa oo meel inyar ii jirta yaalla! Waan booday waana soo qabtay warqadda waxaa ku qoran: Naga raalli noqo waan kuugu qaldanay waxaa aan ku moodnay mid aan raadinaynay muddo sanad ah, maadaama ay baarayaashu kugu qaldameen oo dhib lagu gaarsiiyayna boorsada lacagta ah ee iridda taalla qaado oo ku raalli ahaw safarkaagana sii wado dhibka aan kuu gaysanay in aad ka raali noqoto ayaan rajaynaynaa"
Anoo yara farxay ayaan iridii tagay malse Boorso aniga ila eg oo si quruxbadan u xiran ayaa taalla ! Waan furay mase lacagta ku jirtaba xad ma leh waana buuxdaa ! Alla nasiibadanida ayaan is iri, aniga oo jilbaha ku riixaya ayaan doontii geeyay waana ku dulfariistay si aanay cidina iiga qaadan.
Anoo doontii dhex fadhiya ayaa waxaa isoo dul istaagay nin aan markaas is lahaa ugu yaraan waa dilaa dhawr qof soo cunay, qaab qofka naxdin galinaya intuu ii fiiriyay ayuu igu yiri waryaa maxaa doonta ku saaray ! Aniga oo wadnuhu igaraacmayo ! oo ka cabsi qaba in uu afka iisoo galo ayaan ku iri waxaan ka mid ahay dadka kiraystay ee ma iskama soo fuulin.
Boorsadaydii ayuu si xun u fiiriyay waxaana niyadda iska iri tolow ma lacagtaan ayuu rabaa ? Oo qaab uu kaaga qaato ayuu ku fikirayaa ? Ma in uu dambi been ah inta kuu sameeyo uu lacagta kaa dhaxlo ayuu rabaa ? Ma qoladii lacagta ku siisay intay ku garaaceen ayuu ka socdaa ? Waa maxaay u jeedada qofkaan baas ? Waxaas oo weydiimo ah waxay igusoo dhaceen intii yarayd ee ninku uu fiirinayay boorsadayda.
Aniga oo ku fikiraya sidii aan ninkaan uga badbaadi lahaa oo mar isleh lacagta intaad u tuurto ma ka carartaa ? Feer wadnaha ma ku cadaysaa ? Ma qaylisaa ? Ma habaartaa ?
Aniga oo sidii u fikiraya, ayaan dareemay gariirka mobilkaygii ! Oo jeebka iigu jiray? Waan soo qabtay mase waa farriin ay ku qoran tahay " Boorsada aan kuu dhiibnay hub ayaa ku jira ninkaan ku agtaaganna waa tuugada kuwooda ugu xun oo dadka dhac iyo dil iskugu dara, fadlan boorsada qaanaddeeda kore fur oo inta aad bostooladda ka bixisid doonta dhexdeeda dhigo, kadibna boorsada banaanka usoo bixi, oo dhulka ugu tuur, marka uu damco in uu qaatana xabbad madaxa uga dhufo si deg deg ah ayaanu kuugu imaanaynaa oo agtaada ayaanu joognaa ee ha ka laba labayn, oo masiibadaan aad gacanta kula jirtid soo afjar.
Waan yaabay, cabsi ayaana ilasoo daristay oo waligeeyba waxaan ka Alle ka magangali jiray in aanu dhiig islaameed gacantayda ku daadan, balse qorshahaani waa kii aan dhiigga ku gali lahaa, ninkii oo intii aan fikiraayay asagana indhaha igu hayay ayaa mar qura qosol furka tuuray oo inta uu iska fiiqay lakab wajiga ugu dhaganaa oo qof kale u ekaynayay, mase waa nin aan horay u aqaanay oo hadda ka hor aan isla safarnay! Waan yara dagay, xaaladayduna caadi ayay noqotay oo cabsidii ayaa iga fuqday, igu yiri " Ninkaagan cabsidu ka muuqatoow is adkeey waxyaabo badan oo ku argagaxgalinaya ayaa kaa dambeeya xeebta saadruuka ayaadna u socotaa..
Waan farxay misna waan naxay oo waxaa iga yaabisay hadalka dambe ee ninku yiri, waxa cajiib ka dhigay arrintaan, waa xeebtaa aan sheegayo oo aana waligeey tagin oo ay markaan iigu horraysay, iyo dad badan oo aan ka waraystay oo si aanan ku farxin iiga sheekeeyay. Halkii aniga oo fadhiya ayaan mar qura waayay ninkii i hortaagnaa ee ii sheekaynayay ! Waxaa is weydiiyay war ka riyoonaysay mase caalamka cirfiidka ayaa ku jirtaa ?
Waan yaabay, waana iskaga tagay meeshii, waxaana u dhaqaaqay dhinicii xeebta iyo in aan iskusoo maaweeliyo inta laga gaarayo xiligii la bixi lahaa.
Xeebtii ayaan sii raacay aniga oo fikiraya maskaxdana ku celcelinaya in ay xal kasoo saarto arrintaan murugsan ee ilasoo daristay, waan daalay wadnaha ayaana afka iisoo galay intii aan islahaa fikir fiican soo saar ayaan magaaladiiba ka fogaaday heer aan gaaray meel cidlo ah oo nafsaddaada ay cabsi kaa galayso.
Waxaan arkay dhagax aad u quruxbadan oo dhulka daadsan, oo aad isleedahay mid mid ma u uruursataa! Quruxda ku jirta darteed, waxaan soo qabtay mid ka mid ah dhagaxdaas oo medabkiisu gaduud ahaa.
Mar allaala markaan kor usoo qaaday oo aan lasoo istaagay, ayaan maqlay dhawaaq qofeed oo meel iidhaw ka dhawaaqaya kaas oo igu leh, " Waryaa iidhig hasha balaay isha kugu dhufataye"
Waan naxay waliba mid saa'id ah oo aan ku sigtay in aan istaagga ka dhaco, waxaa iigu ogaaldambaysay aniga oo dhagaxii gacanta ku haaya oo meel xeeb ah jooga, waxaanse soo ogaal helay aniga oo dhagax dulsaaran oo sida wax la qoraxeeyay meel ku garwaaxsan! Indhaha ayaan ku kala qaaday niman tiro ahaan aan ku qayaasay saddexnin, oo doon wata kuwaas oo xaggayga usoo socda.
Waan farxay se markii ay ii yimaadeen wax aanan filayn ayay iila yimaadeen, haddii aan ogaanlahaa waxa ay soo wadaanna waan ka carari lahaa inta aanay isoo gaarinba..
Nimankii doonta watay xeebta ayay doontii soo dhigteed kadibna inta ay mindiyo dhaadheer soo qaateen ayay igusoo ordeen iyaga oo aad moodayso in ay cuqdad hore ii qabeen,
Ma carari karo oo qar ayaa igu gadfan meel aan ka baxana ma laha! Naxdintii ugu dambaysay ayaa igusoo booday waana ka shalaayay dalxiiskaan baas ee dhan kasta ciriiriga iiga furay, nimankii sidii ay usoo faylaq dhac lahaayeen ayay isoo dul istaageen waxayna hadalba iiga billaabeen " keen cambarta aad qarka kasoo hoos qaaday ? Haddii kale naftaada keen!? " waxaan si layaab leh ku iri anigu cambar wax la yiraahdo ma aqaani halkaanna waligeey ma iman maanta ka hor ee haddii aad islaam tihiin iga taga anigu ma arko waxa aad sheegaysaane.
Intaas markaan iri ayaan hoos iska iri tolow waadba ahbisaye wuxu islaam ma yihiin, maxay sidaan ugu xaaraan jecelyihiin haddii ay islaam xalaala yihiin, horta wuxu ma insibaa mase waa jinni ? Mid ka mid ah ayaan gacmihiisa fiiriyay waxse iigama suurta galin oo gacmo gashi ayaa ugu jiray, kuwa kalena isaga ayay la mid ahaayeen oo gacmahoodu ma banaanayn, waan yaabay idhaha ayaana i casaaday, cabsi darteed.
Midkii ugu weynaa ayaa intuu xarig doonta kasoo qaatay si dabbaalnimo ah iigu garaacay ! kuwii kalena qosol iyo taageero kale ayay u muujinayeen iyagoo leh, garaac isagaa diiday in uu runta noosheego e, lafta uu taagaba jabi, ilaa uu ka sheegayo halka uu cabarta geeyay,
Sidii uu midkii weynaa iigaraacayay ayaan mar qura xarigii uu igu garaacayay u gambiyay kadibna lugta ayuu iskaga dhuftay dhiig ayaana ka yimid ! Anigana markaa ayay naxdin igu billaabatay oo markii hore kibir ayay igu haysteene hadda waaba dhacdo kale.
Mid kale oo caabboon ayaa xarigii qabtay xagayga ayuuna lasoo aaday si uu iigu garaaco aniga oo tabar dhigay lafihiina la moodayo in uu dhiigi ka dhammaaday, waan yaabay meel kasta ayaana i xanuunaysay, jugtii ugu horaysay ayuu igu dhuftay taasoo aan mooday in uu gantaal igu dhacay, waan wareeray balse cidna iima cag dhigin oo jugtu waa ay igu socotay.
Iyagoo ay sidii ii dilayaan ayaa mar qura waxaa qarka inaga korreeyay kasoo muuqday laba qof oo aan wajigooda la arkayn oo afku duuban yahay, inkasta oo ay ku dhawaad 50 Miter ka badan naga koreeyeen oo ay qarka fiintiisa sare taagnaayeen, lama kala garanayn in ay dumar yihiin iyo in ay rag yihiin! Anigu waan taa'ibay markaa dhiigayga ayaana dhulka qulqulayay, xitaa haddii ay iga tagaan ilama ahayn in aan meesha ka tagi karaayay.
Labadii qof ayaa mar labaad qarsoomay oo xitaa muuqoodii oo sii libdhaya loo jeedi waayay waxaana laga war helay dhagax waawayn oo soo daadagaysa oo qarka fiintiisa kasoo socota ka ugu yar qayaastii waxaa uu miisaankiisu dhammaa 40 Kiilo garaam, dhagaxdaas oo marba darbi ku dhacaysay xoogga ay ku socdaan dartoodna meeshii ay ku dhacaanba qayb cusub kasii jabsanaya.
Nimankii mar qura ayay kala carareen oo ay xaggii doonta ku carareen, aniguse ma carari karo oo nin sidii galley loo xashiriyay ayaan ahay. Dhagaxdii waa ay soo dhawaadeen, nimankiina doontii ayay badda ku riixdeen si ay ugu fakadaan. Dhagaxii ugu horreeyay ayaa yimid Ilaaheyse waa i hareer mariyay oo meel agtayda ah ayuu dhulka jeexay xagga badda ayuuna usii gudbay. Kiilabaad ayaa isoo agmaray oo nimankii ka dabatagay, aniga oo arkaaya ayuuna matoorkii doonta u waday laba cad ka dhigay. Anigana markaan hubsaday in dhagaxu uu halis yahay ayaan dhagax yar ku gambaday si midka igusoo aaddanba uu inta dhagaxaas ugu dhaco uu kor ugu boodo kadibna aan sidaa uga nabad galo.
Waan yar farxay haddana waan naxay sababtoo ah nimankaan waa ay iga tageen,
wayna i dhaafeen balse haddii uu matoorkii ka hallaabay sow in ay igusoo laabtaan maaha ? Maxayse tahay danta iigu jirta ? Maxaan ugu farxayaa ?
Intii aan su'aalahaas is weydiinayay ayay dhagaxdii soo bateen dhawr xabbo ayaa korkayga maray maadaama aan dhagaxyar ku gambaday. Raggii dhagax ayaa sidii roobki ugu hoobatay dhaawacyo ayaana ka muuqday isla markiiba, qaar ayaa dhulka dhacay aniga oo arkaaya.
Waxaan is iri yaad meeshaan ku sugaysaa oo aad is leedahay waa ay kuu imaanayaan ma bahal ? Mase habeen, waan ka duukaxsaday meeshii aniga oo aanan garanayn meel ii fiyoow ! Waan baxay ilaa aan ka gaaray magaalo yar oo markii aan soo socday aanan arag maadaama aan xeebta hoose ku socday qof isaga isla hadlaayana aan ahaa, halkaas oo aan ku arkay rag macdan baare yaal ah, oo intay iga horyimideen i weydiiyay in aan wax dhagax ah soo qaaday iyo in kale ? Waxaan ugu jawaabay in aana wax dhagax ah soo qaadin haddii laga reebo hal shay oo intii aan nabad qabay inta la yaabay aan jeebka gashaday.
Shaygaan uma qaadan in uu macdan yahay se waxaa uu u samaysnaa Sida xarafka "M" anigana waxaan jeclaa gabar qurux u dhalatay oo Maryan la dhihi jiray se igu qaali ahayd balse i fahmi weysay noloshana inaan wadaagno aan jeclaa..... Dhagaxaasi aad ayuu u qurux badnaa waxaa uuna ka koobnaa dhawr medab oo isku dardarsan
Dhagaxii ayay iga codsadeen in aan tuso, waan tusay! Mar Allaale markii aan tusay ayay igu yiraahdeen dhagaxaan muddo afar sano ah ayaan noociisa raadinaynay, soddon qof ayaana dartiis u dhimatay, meesha aad hadda ka timid ayaana hodan ku ah noociisa oo kale, anagana waxaa aan dagganahay meel hadda inoo muuqata, muddo sanaddo ah ayaana daganayn sababta aan halkaan u dagnay in aan qofkii soo hela aan ka iibsano, ee lacag sheego, dhagaxaan aan kaaga iibsano?
Intaa ka dib waxaan ku iri horta bal dhagaxaan waxa dunida laga iibiyo aan ogaado markaas ayaan idinla heshiin karaaye. Waa ay iga aqbaleen waxayna i siiyeen warqad cadaynaysa in aan iyaga heshiis kula jiro oo badeecadayda ay iyagu igala heshiinayaan cid kalena aanay heshiiska soo gali karayn. Waxaan soo aaday magaaladii ay nimanka warqadda isiinaya daganaayeen markiiba waan kasoo tagay raggii meesha joogay waxaana soo galay magaaladii yarayd ee ay joogeen iyagu. Waxay ahayd magaalo yar oo aad u quruxbadan, oo aad jeclaysanayso in aad iskaga dhex noolaato, sababta oo ah cunadeeda cabitaankeeda iyo waxkasta oo qof u baahan karo oo meeshaa laga heli karaayo waa mid raqiis ah. Waxaa aan ka kiraystay guri dabaqadda dhexe ah oo aad u habaysan, maalintii aan magaalada soo galaayay waxaa aan qorshaystay in aan habeenkaas ku hoydo kadibna aan aado magaaladii aan saakay sida waalida ah uga soo tagay ee iyadana cajaa'ibta lahayd, waa tii aan aqaanay oo aan waligeeyba joogay taas oo ahayd magaaladii aan kusoo barbaaray hadana aan doonayay in aan ka safro, aniga oo dalxiise ah.
Gurigii ayaan u qaabeeyey mid qof kaligiis ah ku hoyan karo waxaa uu ahaa guri weyn balse aan laga helin hal albaab oo albaab kale ka horjeeda, ama aan kuu sharaxee, qol kasta goonidiisa ayuu u go'an yahay oo qof waliba kaligiis ayuu xur yahay, wax kasta ha dhacaane lagama yaabo in aad dhawaaq qof kale maqasho, xitaa haddii qolka kuugu dhaw uu dab ka kaco, adiga war kama haysid, loogumana talagalin in aad maqasho ama lagu maqlo.
Salaaddii makhrib markii ay soo dhawaatay ayaan xagga xeebta u dhaadhacay, oo aan kusoo tukaday xeebta maadaama aanan magaalada kala garanayn lagana yaabo in aan ka waayo cid i afgarata, lama luqadda aan ku hadlayo garata, xaggee lagu tukadaa haddii aan dhihi lahaana waxaan ka baqay in ay qolo aan tukan yihiinba.
Qolo xeebta joogtay ayaan kalluun kasoo iibsaday, xaafaddii ayaana keensaday si aan u sameysto casho jeebkayga ah oo aad u heersaraysa, aadna u macaan. Markaan aan guriga diyaarinayo Waa makhribkii waxyar ka dib salaaddii makhrib.
Cashadii markaan diyaarsaday ayaan banaanka u baxay aniga oo doonaya in aan soo booqdo gurigaan wayninka badan barxaddiisa sida ay dadku u dhooban yihiin. Mar Allaale markii aan tagay ayaan la kulmay wax aad iisoo jiitay, waa wax aanan meeshaba ka filanayn, waa ciyaaro dhaqameed qola walba ay dhaqankooda kusoo bandhiganayso. Anigu bandhigyada noocaas ah waan jeclahay waligeeyba intii aan dalxiisaha ahaa waan jeclaa, boos maamuusan ayaan si qabweyni ka muuqato u fariistay aniga oo ay suurta gal agtayda ka tahay in aanan kaba kicin booskaa ilaa ay ciyaartu ka dhammaanayso maadaama laga yaabo in ay ciyaartu xiiso goonni ah yeelato.
Wixii ugu wanaagsanaa ee aan waligayba bandhigyada noocaan ah ku jeclaa ayaa billowday, waa gabdho yar yar oo sida dayaxa u iftiimaha, qof banii'aadam ah oo birqaya ma arag se waxaan uga jeedaa, waxaa ay ahaayeen kuwo muuqaalkoodu aad u quruxbadan yahay, nadaafad dheeraad ahna laga dareemayay. Ciyaartii ayaan marba dhinac isha la aaday, marna waxaa ay ishaydu ku mashquulaysay qaar ka mid ah gabdhihii oo agtayda soo saftay iyaga oo ciyaarta daawada yaal ka ahaa.
Muddo saacado ah markaan fadhiyay ayaan is iri bal gabdhahaan mid kala hadal oo raganimadaada muujiso si aad laba xanyoodnimadaada u muujiso waa in aad mid ku qandhoobsataa, waan ka istaagay booskii dhinaca midig ayaan u dhaqaaqay, dhinacaasi waxaa iga xigtay gabar aad iisoo jiidatay oo ku labisnayd dhar ka samaysan calankii beeshayda.
Waxaa aan is iri kollaytaasi isku beel ayaad tihiin, ugu yaraan waddo aad ku gashid weynmaysid ee bal doocdooci... mar Allaale markii aan xageeda u holladay ayay si farxadleh iisoo fiirisay, iyada oo dhool dillaacaysa, ma ciyaarta ayaa cajabisay mase aniga ayayba sugaysay in aan xaggeeda u dhaqaaqo ? Ma ogi adiga maxay kula tahay ? Aniga oo yara dhoolla cadaynaya ayaan la sinmay oo halkaas fariistay kadibna salaan diirran ayaa ku galay, mase waxayba salaantii iiga qaaday qaab xiiso leh.
Kaftan iyo sheeko dheer ayaa meeshii ka bilowda ilaa aan gabadhii isku xog warranay oo wax badan iisoo dabacday, sheekooyin dhacmo dhacmo ah ayaa socday ilaa ciyaartii laga joojiyay? Oo laga gaaray xiligii la kala tagi lahaa, aniguse tagin iima muuqato oo gabadhaan ayaa ii sheekaynaysa, anigana dhagta ayaa i furan, macaansi aan macaansanayo hadalkeeda dartii shaah aan ka reebtay gabar shaah wareejinaysay maana cabin oo fursadba umaana helin, iyada ayaan warka ka koobinayaaye goormee fursad helayba? Adigu ma ii sheegi kartaa mar aan haystay fursad aan shaaha ku cabo ? Ma nin naag noocaan oo kale ah u sheekaynayso oo sideyda oo kale naaga doon ahbaa kansho uu wax ku cuno ama ku cabbo haysta ? Adiga ayaan ku weydiinayaa ?
Qasab ayay igu noqotay in aan tago oo waxaa inoo yimid dhawr qof oo isla socda oo ay gabadhu garanayso, markii ay isoo kor istaageen ayaan gartay in ay yihiin saaxiibbadeed oo ay markii horeba isasoo raaceen, ka hor inta aanan is helin labadeenna, waxaa ay ahaayeen toddoba qof oo ay iyadu siddeedeyso, waan dareemayaa in ay iyada ka dhimman tahay in ay xaaladdu isla eg noqoto, oo waxaa ii muuqday hal wiil oo kaligii socda saaxiibada kalena kor kala socda, yaa qalbigiisa iigasoo warama muxuu niyadda iska leeyahay ileen xabbaddaan oo malaha uu isagu gurigeedii kasoo watay ayaan ku qabsaday oo waliba si deggan ula sheekaynayaaye ? Mase ninku waaba nin iska soo raacay kooxdaan oo meesha kamaba tirsanaba ? Shakigaas ayaa i galay waxaana u sabab ahaa kooxdaan inagusoo kadisay iyo goobtaan aan joogo oo aanan dhaqankeeda garanayn.
Waxaa laga yaabaa in uu niyadda iska leeyahay adoo gabadhaan gurigeedii kasoo wadatay, oo usoo kaxaysatay meeshaan oo ay lacag badan kaaga baxday ayuu ninkaas si fudud gacanta ugu dhigay, nolosha haddii aan dhaafiyo yaa iisoo raacanaya dhiigiisa ? Ileen magaaladeydaan uu qabiilkaygu xoogga ku haysto ayuu iigu yimide. Ma hubo in uu sidaas is leeyahay balse waa malaha iisoo baxay marka aan wajigiisa fiiriyay, waxaan ka dareemay mugdi iyo madow uu masayr wehliyo waxaan fiiriyay gabadhii mase waaba ka daran tahay oo mar hore ayay hoos isku gambisayba ! Si deg deg ah ayaan meeshii uga istaagay, oo saanqaad ayaa aan ku darayba, laba tallaab oo nooca fogeeyeyaalka ah markii aan xaggii iridda u qaaday ayaan xaggii gabadhii iyo saaxiibadii u yimid soo fiiriyay? Mase gabadhii ayaaba si haaneed ah iisoo jaĺleecaysa iyada oo aad mooddo in ay niyadda ka leedahay: Hadda ayaan is baranaye ma isla haddii ayaad iga tagaysaa ? Maxaa kaftanka iyo sheekada iigu billowdey haddii aadba sidaan ii nici doontid muddadaan gaaban ? Waa maxay qaladka aan kaa galay oo xitaa aad macasalaama ii dhihi la'dahay ? Uma joojin oo waxaa aan ka baqay in intaa wax ka daran ay dhacaan, waxaa aan iska dhigay nin aan qoftaan danba ka lahayn si aan uga fogaado wax yeelada aana jeclaysan ee uu ninkaani soo wado.
Mar Allaale markii aan iridda qaarka hore ka bixiyay oo aan isku dayay in aan baxo ayaa gurigii aan kasoo tagay ka maqlay dhawaaq qaab daran, waa qof dumar ah oo si daran u tuugtamaya oo ku calaacalaya waan ku baryaa ! Waan ku baryaa ha i dilin ha i dilin ! Mar dambe u noqon maayo ! Waxaan is iri bal dib u jalleec waxa dhacay, mase ninkii ayaa intuu naagtii soo qabtay, ceego dhab ku yiri! Ar wuxu arxan la'aa ! Waan soo kala wareegay aniga oo xanaaq halkii ugu dambaysay iga maraayo, mar Allaale markii aan iridda kasoo galay ayuu aniga isoo aaday isaga oo mindi nooca birmadowda daxalaysata ah wata ! Waa arrin iga nixisay balse waxba igama qaadi karo oo qaabka mindida la iskaga badbaadiyona waan u tababaranahay si kalena waan u hubaysanahay. Waxbadan igama oga oo meesha uun buu igu arkay balse waxaan dareemay in uu igu fududaaday. Gabadhii dhulka ayay ku dhacday maadaama uu ceejinaya miir qumanna ma lahayn oo xitaa dhawaaqeedu si ayuu u qaabdarnaa, ninkii ayaan mindidii ka faramaroojiyay kadibna weydiiyay weydiin ahayd maxaad u dilaysaa ? Wuxuu iigu jawaabay hadal hanjabaad raqiis ah wata wuxuu yiri " Labadiinaba waan idin dilayaa aniga ayaa lacagtaydii ku raaxaysanaysiin miyaa ?! Nin dhintay ayaan ahay haddii aad caawa meeshaan naf kala baxdaan" oo inta shaatigii uu watay gacmihiisa laalaabtay ku horay iigusoo haaday ! War yaa wax u sheega ninkaani ! Waa igu qaldamayaaye ! Yaa u sheega in aan ku hubaysanahay bostoolad nooca darandoorriga u dhaca ah oo aan mar dhaw kasoo iibsaday tuuladaan yar ee waxkastaba laga helayo haddii laga reebo inta aan dunida aallin, waxaase shuruudahayga ka mid ahayx in aanan hub lasoo bixin maadaama aan dalxiise ahaa, hadana aanu dalxiiskaygu meel gaar ah ku jahaysnayn. Ninkii mar allaale markii uu iisoo dhawaaday ayaan hal hal feer iyo hal jilib oo nooca halista ah u dhiibay, markii uu Sammaadayna jillaafo dheer ayaan u bixiyay afka ayuuna ciidda ku qaaday.
Tii yarayd ee aan darteed dagaalka u galayna meel dhinacayga ah ayaa jugta loogu roonaanayaa! Dhawaaq tabardaran ayay ku dhawaaqaysaa oo naftu waa ay ku jirtaa se kama roona. Markii aan hubsaday in aanu ninkaani weerar culus igusoo qaadi karin oo uu dhaawacan yahay ayaan xaggii gabadha u orday, kuwii gabadha dilaayay markii ay i arkeenba waa ay kala carareen haddii laga reebo hal nin oo isagu tagi diiday oo go'aansadayna inuu ila dagaallamo.
Hadal ayuu iskasoo hormarshay, hadalkaasi waxaa uu ahaa mid go'aankaygii badalay go'aankaasi oo ahaa in labadaan nin ee in ay gabadh maskiin ah dilaan darteed igula dagaalay in aan si fiican u jilciyo, wuxuu yiri adiga ma waxaad difaacaysaa gabadhaan shaydaanta ah oo dadka xoolahooda dhacday ! Markaa waan isku naxay oo marna ma doonayn in qof gardarro wada aan u hiilliyo, markastase haddii ay sidaas yeeleen waa ay mudan yihiin in aan ciqaabo, waayo gabadh sidaas looma dilo, nin in uu u gacan qaado gabadhna waa qalad weyn.
Intii uu ila murmayay ayuu isku dayay in uu weerar gaadmo ah igusoo qaado mase dhicin oo intaan sidii uu iga filaayay si ka duwan yeelay ayaan isaga weerarkii ku gaddiyay oo ul yar oo uu doonayay in uu igu dilo ayaan gacmaha bartooda kabaabyoota uga dhuftay, isaga oo qanacsan ayuuna halkaa iska aaday isaga oo ooyini kasoo dhawdahay, kii kaleba wali beerka ayuu dhulka ku hayaa oo jug dhamaystiran ayaan gaarsiiyay, lagamana yaabo in ay sidaas iiga haraan oo xitaa wixii dad meesha joogay waa ay qaylo dhaantageen, gabadhii oo dhinac u dhacday ayaan u tagay mase afka ayuu dhiig ka socdaa oo xaaladdeeduba waa halis, quruxdii iyo muuqaalkeedii samaa waa tagay oo wajiga oo dhan waa laga daqareeyay intaan qaaday ayaan geeyay meel dhinaca midig iga jirtay oo ahayd meel la fariisto kadibna intaan biyo soo qabtay ayaan dhiigii ka nadiifiyay, wixii gargaar deg deg ahaa ee aan u fidin karayna u fidiyay ilaa ay markii dambe ila hadashay oo ay si tabar daran igu tiri waad mahadsan tahay ee meesha is kaga tag ha iska kay dilaan aniga ee yaanay adiga ku dilin e.
Ninkii aan markii koowaas is helnay ayaan u laabtay oo waxaan damcay in aan waraysto waxa sababay in aan in uu gabar la dagaalo isaga oo nin raga ah. Balse markii aan xaggiisa soo aaday ayuu isku dayay in uu cararo se kama barin oo intaan sidii gantaalkii isku gamay ayaan hortiisa kasoo jiireeyay si toos ah ayaana hortiisa usoo istaagay aniga oo ku leh haddii aad si wanaagsan iigu warrantid waxba kugu samayn maayo adiga oo faraxsan ayaana kala tagaynaa Alle idanki, hadalkaa markaan iri si toos ahna aan u hareertaaganahay ayuu aflabadii dhawaaqay ? Maxaad igu dilaysaa ! Naagtaas iyadaa i dhacday oo xoolaha dadka ayay qayaantaa anna in aan u dhammeeyo ayaan rabay ! Been haddii aad u malaynaysidna dadka warayso! Markaas ayaan dareemay in gabadhu lafteedu tahay mid aan wanaagsanayn balse iyagana ay xadkoodii dhaafeen oo laga rabay in ay xiraan ama iyada oo nabad qabta ay ciidanka magaalada u dhiibaan.
Intaas markii uu igu yiri isaga oo argagaxsan ayaan ku iri is daji haddii gabadhaan ay tahay mid dambigaas gaysatay maxaad u xiri weydeen oo aad u disheen, qofka haddii uu xoolo dadoow qaato lama dilo ee xoolihii ayaa laga qaataa, adinkana gabadhii ayaad disheen, ma wax fiicanbaa arrinkaas ? Ninkii waa uu iisoo dhawaaday isaga oo dareemay in aanan gabadha la safnayn ee xadgudubka uun uu uga xanaajiyay, waxaa uuna igu yiri gabadhaan dad badan lacag ay lahaayeen ayay si been been ah ku qaadatay iyada oo sheegtay in ay shirkad masuul ka tahay oo ay lacagta soo celinayso sanadka dambe qof kastana ay lacag faa'iido ah u saari doonto. Dadkii oo dhan ayaa wixii ay lacag haayeen u dhiibteen, sanadkii koowaad waxa ay soo celisay lacagtii ay qaadatay iyo lacag kale oo faa'iido badan ah, balse sanadkii labaad ayay wixiiba afka iska marisay oo wax lacag ah sooma celin waxaa ayna sheegtay in iyadaba la dhacay oo shirkaddii ay masuulka ka ahayd laga afgambiyay, sidaas ayayna iskaga sabreen dadkii intoodii badnayd, balse mar dhaw ayaa waxaa lasoo ogaaday in wax afgambiyay aanay jirin ee lacagta ay iyadu guryo iyo dhulal ku gadatay.
Anigaan kula hadlaya waxaan ahay nin maskiin ah oo kuwa guryaha rinjiyeeya ka mid ah, lacag yar oo aan iska afqabtay ayaan u dhiibtay sidaas ayayna iyeeshay, xaalkayguna waa xun yahay, adna jug ayaad iigu dartay oo feeraha dhiig ayaa i fadhiya hadda awalna waan jirranaa, balse maskiin dhawr iyo toban budh ayaa loo sitaa, lacagtaydii waa ay maqan tahay, caafimaadkaygiina maanta ayuu tagay, wax aan isku daaweeyana ma haysto, ee nin yahow iga wareeg aan meelahaas darxumo ugu dhinto e adna waad iga xoogbadatay dulmi ayaadna igu dishay dhiigaygana maalinta uu alle Garsoore yahay ayaan kula sugayaa adduunkase dulmiga ayaa garab hela daacaddana waa ay hoosaysaa, ilaaheyse waxba kama qarsoona.
Intii uu hadalka ii waday ayuu inta qufacay dhiig tufay maadaama feerkaygii aan gawsaha uga dhuftay jilibkiima aan bogga u galiyay, markaa ayay wixii naxariis ahaay igusoo aruureen oo intaan soo booday oo ninkii garabka qabtay meel fadhi ahna fariisiyay ayaan ku iri horta marka koowaad boqolkiiba boqol raalli ahow, marka labaad lacag intaad doonto sheego, hadda ayaan ku siinayaa, marka xigtana goob caafimaad ayaan ku gaynayaa, qofkaanna maba ogayn in ay qof sidaas ah tahay, waxaan u qaatay in saaxiibbo is dagaalay aad tihiin, oo inta aadan ii imaanina ayay igu tiri kuwaasi waa saaxiibadey, sidaas ayaana dagaalka ku galay ee haddii aan ogaan lahaa in qof qaabkaas ah ay tahay sidii aad u xiri lahaydeen ayaan idinku garabsiin lahaa.
Halkaas markii aan marsiinayo ayuu ninkii yiri waa sax oo saaxiibbadeed ayaan soo watay si aysan iiga fakan balse adiga ayaaba qorshahaygiiba hal bacaad lagu lisay ka dhigay oo naftadiiba halis iyo sooma noqoto u dhaweeyey, haddana waxaan dareemayaa in aad i maaaweelinaysid oo xanuunku waa uu ogusii fidayaa ilaa iyo inta uu iiga fido miyaad ilasugaysaa oo aan halkaan ku naf baxo ! Markaa ayaan ninkii garab qabtay oo istaajiyay kadibna iriddii ka saaray oo bannaanka geeyay, meel ayaana fariisiyay, kadibna gabadhii ayaan usoo laabtay iyada waan soo qaaday oo bannaanka ayaan keenay kadibna gaari meesha marayay ayaan u dhawaaqay oo damcay in aan ka codsado in uu ii istaago oo uu dadkaan ii qaado, balse markii uu iisoo dhawaaday ayuu xoog u waday gaarigii isaga oo dhiiqo igu firdhiyay kadibna intuu gaarigii xawaarihiisii dhimay ayuu si jeesjees ah daaqadda iiga soo fiiriyay si tartiib ahna u dhaqaaqay isaga oo ay isla weyni ka muuqato.
Intaa markii ay maraysay ayay wax igusoo birqeen oo intaan bahashaydii mamnuuca ahayd lasoo baxay ayaan, labo si shabaax ah ugu riday BUL FIIQ! BUL FIIQ ! inta uu naxay ayuu gaarigii wadada kala baxay ayuu meel geedo ah ku dhex dhacay, inta uu daaqaddii iska furay ayuu cararay, waxaa uu ahaa wiil dhallinyaro ah oo aan ku qayaasay da'da soddonaad ayuu markaa jafayay, se reero hanti leh in uu kasoo jeeday oo uu koolkoolis kusoo koray ayaa ii muuqatay, markii uu gaarigiisii ka cararay, intaan soo ordayna meel si toos ah uga arki karo imid, mase waaba tagay oo xitaa gadaal sooma eegin.
Gaarigii ayaan u imid oo intaan furihii ku rogtay dib usoo celiyay dadkii ku qaaday oo goob caafimaad oo dariskayga ahayd geeyay, waala dabiibay ilaa ay labadoodiiba ladnaadeen oo ay sheeko billaabeen, ninkii odayga ahaa ee aan feeraha ka laaday, ayaan ku hormaray oo aan waraysiga ka billaabay isaguna igama waaline wuxuu yiri horta ballantii aad iga qaaday ka dhabeey oo isii lacagtii aad ii ballan qaaday ilmo uu aabbaheey ka dhintay oo agoon bahgoonniya ah, ayaa xalay ii qaday haddii aanu cid Alle u bixin
e.
Sheekadaan ma dhammeystirno si iyada oo dhan aad u hesho fadlan farriin iiga soo dir xiriiradaan hoose :