Buuggan "Ego is the Enemy" wuxuu sharaxayaa khatarta ay leedahay isla-waynidu iyo sida ay u burburiso guusha. Baro muhiimada "Student Mindset" iyo is-hoosaysiinta.
Waa Maxay Isla-waynidu (Ego)?
Buuggan la magac baxay “EGO IS THE ENEMY”, waxa uu inoo sharaxayaa sida ay isla-waynidu nolosha qofka u burburin karto iyo dhibaatada ay leedahay. Qoraaga Ryan Holiday waxa uu "ego" ku qeexay inay tahay is-mahadinta badan ama inuu qofku ismoodo wax uusan ahayn, taas oo ah mid xad-dhaaf ah.
Isla-waynida iyo Dunida Maanta .
Dunida aan maanta ku noolnahay, gaar ahaan waqtigan uu isticmaalka intarneedku kor u kacay, waxaa aad loo buunbuuniyaa inuu qofku isla-waynaado ama uu ismoodo wax uusan ahayn in ka badan waqtiyadii hore.
Si aad ugu noolaato nolol wanaagsan, hamigaagana aad u rumeeyo, waxaa muhiim ah inaad naftaada si sax ah u fahanto.
Guusha dhabta ahi maaha Kibir
Haddii aynu dib u eegno taariikhda, shaqsiyaadka ugu guulaha badan inta badan waa kuwo is-dul dhig badan oo aan isla-wayni muujin; waxay kaliya eegtaan shaqadooda iyo waxay qabanayaan.
• Napoleon: Waxa uu ahaa nin lahaa hamiyo waawayn oo aan caqli-gal ahayn, taas oo sababtay inuu ugu dambayn dhaco.
• General William Tecumseh Sherman: Isagu waxa uu ahaa geesi caan ah, laakiin guushaasi kama dhigin inuu yeesho isla-wayni ama inuu kibro.
Waxa uu iska ahaa shaqsi iska caadi ah oo is-dul dhig badan, isagoo doortay inuu ciidanka sii hogaamiyo halkii uu magac iyo siyaasad sii raadin lahaa.
Sideed u maareyn kartaa Isla-waynidaada?
Qof kastaa wuxuu baran karaa inuu maamulo maskaxdiisa, isagoo iska ilaalinaya kalsoonida xad-dhaafka ah. Mid ka mid ah qaababka ugu fiican ee looga takhaluso isla-waynida waa inaad lahaato waxa loo yaqaan “Student Mindset” (Maskax Ardaynimo).
Maskax Ardaynimo macnaheedu waa:
1. Diyaar u noqo inaad wax cusub barato: Ha isku malayn inaad kaligaa wax kasta taqaano.
2. Raadi aqoon joogto ah: Intaad nooshahay oo dhan waa inaad wax barataa, waayo taasi waxay kaa caawinaysaa inaad ogaatid waxaad ku fiican tahay iyo waxa lagaaga wanaagsan yahay.
3. Naftaada si sax ah u arag: Markaad maamusho isla-waynida (ego), waxaad meesha ka saaraysaa is-mahadinta, waxaadna ogaanaysaa meelaha aad ku liidato si aad u saxdo