Self-Improvement

Saynisku Maanta Ayuu Ogaaday Wax Islaamku Qarniyo Hore Inoo Sheegay

IsmailBooks 5 daqiiqo akhris 122
La wadaag
Saynisku Maanta Ayuu Ogaaday Wax Islaamku Qarniyo Hore Inoo Sheegay

Saynisku Maanta Ayuu Ogaaday Wax Islaamku Qarniyo Hore Inoo Sheegay

Assalamu Alaikum warahmatullahi wabarakatuh.

Dhawaan waxaan dhegaysanayay podcast uu ka hadlayay nin la yidhaahdo Dr. Joe Dispenza oo ah cilmi-baadhe daraaseeya sida maskaxdu u shaqayso iyo saamaynta ay fikirradeennu ku leeyihiin jidhkeenna iyo nolosheenna.

Intii aan dhegaysanayay, hal arrin ayaa si weyn ii soo jiidatay. Mar kasta oo uu sharxayo wax cusub oo saynisku hadda bilaabay inuu fahmo, waxaan is lahaa: “War arintani miyaaney diinteennu hore inoogu sheegin?”

Waxa uu ka hadlayay sida qofku uga bogsan karo dhaawacyadii hore, sida walbahaarku jidhka u saameeyo, sida mahadnaqu nolosha u beddelo, iyo sida maskaxda loo tababari karo. Markaan sii dheeraadayna waxaan arkay in fikrado badan oo uu soo bandhigayo ay si toos ah ula xidhiidhaan waxyaabo Qur'aanka iyo Sunnuhu inoo sheegeen qarniyo badan ka hor.

Maqaalkan kuma soconayo inaan idinla wadaago cilmi adag ama ereyo waaweyn. Waxaan si fudud uga sheekayn doonaa fikradaha ugu muhiimsan ee aan ka faa'iidaystay podcast-kaas, iyo sida ay ula jaanqaadayaan diinteenna Islaamka.

Haddii aad xiisaynayso horumarinta naftaada, caafimaadka maskaxda, ama aad rabto inaad si fiican isu fahanto, waxaan filayaa inaad halkan ka heli doonto qodobo mudan in laga fekero.

Sababta Aynu Uga Gudbi La’nahay Wixii Tagay

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu yaabka badnaa ee Dr. Joe ka hadlay wuxuu ahaa sida maskaxdeennu ugu dhegganaato wixii ina dhaawacay.

Mararka qaarkood dhibaatadu ma aha waxa dhacay, ee waa inta jeer ee aynu dib ugu noqonno. Marka aad mar kasta dib u xasuusato xanuun hore, jidhkaagu wuxuu u falcelin karaa sidii inay arrintaasi hadda dhacayso.

SubhanAllah, tani waa sababta Islaamku inoogu dhiirrigeliyo inaanan ku noolaan wixii tagay. Nebigu (NNKH) wuxuu Alle ka magangeli jiray murugada iyo walbahaarka, waxaana nala baray inaan xoogga saarno waxa ina anfaca maanta.

Sidoo kale cafisku ma aha hadiyad aad qof kale siinayso. Inta badan waa culays aad naftaada ka dejinayso.

Mararka qaarkood tallaabada ugu horreysa ee bogsashadu waa inaad aqbasho wixii dhacay, ka dibna aad iska dayso inaad maalin kasta dib ugu noolaato.

Inaan ka kacno hurdo-ku-socodka

Qodobada ugu waaweyn ee barnaamijka waxaa ka mid ahaa in 95 boqolkiiba nolosheena maalmiilaha ah ay maamusho maskaxdeena qarsoon (subconscious mind). Tani waxay ka dhigan tahay inaan nolol  iskeed isku waddo aan iska dhex soconno. Waan soo kacnaa, waxaan samaynaa isla wixii shalay, isla fikradihii xumaa ayaan ka fikirnaa, isla sidii hore ayaana uga falcelinaa dhacdooyinka maalin kasta.

Haddii si dhab ah loo eego, dad badan ma noola ee way hurdo socdaan. Waxay leeyihiin caadooyin soo noqnoqda oo iyagu is wada.

Taasina waa sababta isbeddelku ugu adkaado dad badan. Wax cusub ma samaynaysid, wax cusubna kama fikiraysid.

Islaamkuna arrintan si qurux badan ayuu inoogu baraarujiyay. Tafakkur, Muhasabah, iyo waqtiyada aad kaligaa la joogto Rabbigaa waxay kaa saarayaan mashquulka joogtada ah ee nolosha iyo warwarkeeda.

Marka aad Tahajjud u kacdo ama aad salaadda Subax ka dib meel yara fadhiisato adigoo fikiraya, ma aha oo keliya cibaado. Waa daqiiqado aad dib isu xusuusinayso qofka aad tahay, meesha aad u socoto, iyo waxa run ahaantii muhiimka kuu ah.

Mararka qaarkood waxa ugu badan ee aynu u baahan nahay ma aha xog cusub. Waa baraarug cusub.

Inaad Alle Wanaag Ka Filato

Qaybtan ayaa ahayd tii iigu sii yaabka badnayd.

Dr. Joe wuxuu sheegay in haddii aad rabto inay noloshaadu is beddesho, aanad ku noolaan karin cabsi, shaki, iyo fikir xun maalin kasta, adigoo haddana sugaya natiijo wanaagsan. waa waxaan is qabaneynin.

Wuxuu ku celceliyay hal fikrad: ka hor inta aan nimcadu iman, waa inaad qalbigaaga ku abuurtaa mahadnaq iyo yididiilo.

SubhanAllah, tani waxay si toos ah ii xasuusisay Husnu al-Dan billah.

Muslimku wuxuu ogyahay in Rabbigiisu yahay Mid Naxariis badan, Deeqsi ah, oo addoomihiisa wanaag la jecel. Sidaas darteed marka aad Ducaysanayso , ma ducaysaneysid adigoo niyadda ka leh "malaha lama iga aqbali doono."

Waxaad duceysanaysaa adigoo qalbigaaga ka aaminsan in Alle ku maqlayo, oo uu kuu doori doono wixii khayr kugu jiro.

Ma aha inaad wax xun iska dhaadhiciso ama mala-awaal ku noolaato. Waa inaad la timaad Tawakkul dhab ah. Waa inaad dadaal samaysaa, ka dibna qalbigaaga ku dejisaa kalsoonida aad ku qabto Rabbigaaga.

Qofka Alle wanaag ka fishaa wuxuu ku noolaadaa rajo. Qofka rajadu qalbigiisa ka buuxdaana, nolosha ayaa u fududaata.

Bogsashadu Waxay Ka Bilaabataa Gudahaga

Qodob kale oo xiiso lahaa ayuu Dr. Joe ka hadlay. Wuxuu sheegay in marka qofku ku jiro xaalad  walbahaar joogto ah, in aanay maskaxdiisa oo keliya saamaynayn, ee jidhkiisuna la dhibtoonayo.

Laakiin marka qofku helo deganaansho, hurdadiisu hagaagto, walbahaarkuna yaraado, jidhkuna si ka duwan ayuu u shaqaynayaa.

Anaga Muslimiin ahaan arrintani naguma cusba.

Waxaan ognahay in Alle yahay Ash-Shafi, Bogsiiyaha dhabta ah. Waxaan kaloo ognahay in Ducada, Qur'aan akhriska, iyo Dikrigu aanay qalbiga oo keliya dejinayn, ee qofka oo dhan saamaynayaan.

Dabcan taa macnaheedu ma aha in daawooyinka iyo sababaha ( in dawoyinka la qaato) la iska daayo. Islaamku mar walba wuxuu ina barayaa inaan daawooyinka qaadanno.

Laakiin marka daawooyinka lagu daro qalbi deggan oo Alle ku xidhan, qofku wuxuu noqonayaa mid caafimaad ahaan dhameystiran jidh ahaan iyo ruux ahaanba.

Waxaaba laga yaabaa in sababta aynu mararka qaarkood u daalno aanay shaqada badan ahayn, ee ay tahay culayska aynu qalbiga ku sidanno.

Isku Soo Duuboo

Haddii waxaas oo dhan hal eray lagu soo koobo: saynisku maanta wax badan ayuu ogaaday, laakiin Islaamku hore ayuu inoogu sheegay wax walba.


Nolosha ha isku dhibin oo ha ku buuxin stress aan loo baahnayn. Maalin kasta dhowr daqiiqo is deji, nimcooyinka Alle ku siiyay xasuuso, cid kasta oo ku dhibtayna iska cafi, si dhab ahna u duceyso adigoo aaminsan in Alle ku maqlayo oo uu sida ugu khayr badan kuugu jawaabayo.

Ugu dambayn, noloshu ma aha buuq iyo degdeg kaliya. Waa xasillooni, waa faham, waa xiriir dhab ah oo aad la yeelato Rabbigaaga.

macsalaama.