Afeef
Afeef
Hadii aynu bini-aadam nahay waxaan samayn karnaa waxyaabo cajiib leh, aduunkan sida aan doono ayaan ka yeeli karnaa, balse sidoo kale waxaynu nahay noolayaal si fudud loo khiyaami karo ama maskaxda looga badali karo
Buugani kooban wuxuu ku saabsan-yahay sida fudud ee umad dhan maskaxda looga qabsan karo ama loo maamuli karo iyaga oon ku digtoonayn .
hababka ku qoran buugani waa sida ay dawladaha iyo dadka xilalka haya u maamulaam umadaha ,maskaxdana uga badalaan.
Qoraa ahaan bugaagta marka aan qorayo waxa aan u qoraa si yaroo sahlan oo qof walbaa fahmi karo , afsomaali waawayn kuma qoro . hala yaabin hadii aad ku aragto afsoomaliga danbe ee hada la isticmaalo , qorayaasha qaarkood ayaa iska dhig aqoonyahano kadibna waxay ku qoraan bugaagta afsoomali waawayn iyo kalmado aan dhalintu badanka fahmayn.