Waa kuwan hababka umad dhan maskaxda looga qabsan karo ama loo maamuli karo

Waa kuwan hababka umad dhan maskaxda looga qabsan karo ama loo maamuli karo

  1. Ka sooc jacylka ay naftooda ku qabaan : Ka niyad jebi shakhsiyaadka inay dareemaan wanaaga ku saabsan naftooda , si ay kuugu fududaato inad saamayso ood xakameyso iyaga.

  2. Bar inay u hoggaansamaan: Ku dhiirigeli shaqsiyaadka inay u hoggaansamaan nidaamka, sidoo kale adigoo ka dhigaya shakhsiyaadka inay rumaystaan ka duwananshaha dadka caadiga ahi inay khalad tahay , khasabna kaga dhig qofku inuu sameeyo wax walba ay dadku sameyaan, adna waa inaad samaysid.

  3. nacsii jidhkooda: Abuur jahawareerin ku saabsan aqoonsiga naftooda oo ku qanci shakhsiyaadka in badalida jidhkooda iyo siday u egyihiin ay farxadu ku xidhantay, tusale fudud make up ka iyo filters ka.

  4. Xakamee waxbarashadooda: Qaabee fikirradahooda iyo waxay aaminsanyihiin adiga oo koontaroolaya waxa ay ku bartaan dugsiyada, si isdaba joog ahna u tijaabi oo imtixaan ka qaad, si ay u cadaato waxa ay aaminsan yihiin.

  5. Ha u ogolaan inay iskooda u fikiraan . Wax walba sharaxaad kasii oo ka hor tag in qof waliba yeesho afkaar iyo fikir gaar ah , kaliya u ogolow inuu ka fekero waxa aad u sheegtay ama aad bartay.

  6. 6.ciqaab hadii ay kenaan ama la yimaadaan fikrado kala duwan: Kobci u hogaansananta nidamka, kana hor tag inay dadku la yimaadan fikrad kasoo horjeeda maamulka .

  7. 7.Si joogto ah u xasuusi naxariis-darradoodi hore iyo tan hadda: Ilaali dareenka cabsida iyo kalsooni la'aanta adiga oo muujinaya dhinacyada taban ee taariikhdooda iyo duruufaha taagan tusale waxa inogu filan sida dadka somalida loogu sheego inay yihiin dad xun oo ay waligoodna xumaayeen .

  8. 8.Abuuri cabsi iyo kalsooni darro: Samee jawi cabsi iyo shaki ah adiga oo si xushmad leh u tusaya warar iyo dhacdooyin naxdin leh . tusale waxa inogu filan tv-yada shega wararka cabsida leh iyo dagaalada marwalba.

  9. 9.Ka dhig inay dareemaan bilaa ujeedo: Hoos u dhig dareenka ujeeddada adiga oo ku qancinaya shakhsiyaadka in jiritaankoodu yahay mid aan kala sooc lahayn oo aan macno lahayn.

  10. 10.Horumari heerarka quruxda aan xaqiiqada ahayn (artifical beuty): Kordhi ku qanacsanaan la'aanta uu qofku naftiisa ka qabo adiga oo usoo bandhigaya quruxda macmalka ah ee ay kamidka yihiin waxyabaha la isku qurxiyo ee qofka naftiisa nacsiinaya . tusale waxa inogu filan make- upka iyo models-ka.

  11. 11.Si indho la'aan ah ha u aaminan nidaamka: Ka niyad jabi su'aalo weydiinta maamulka adigoo ku beeraya oo aaminsiinaya in nidaamka jira ama dawladu ay tahay mid aan cillad lahayn. Tusale fudud, mamulaha iskulka ama dawlada ma waydiin kartid sual hadad waydisana waxa laguu qaadan doona mid kaso hor jeeda dawlada ama iskulka xerarkiisa.

  12. 12.Abuur bulsho aan sinnayn: ilaali kala qaybsanaanta bulsheed adigoo hubinayo in hantida iyo guusha aad u qaybiso si aan qiyaas lahayn. Kana saraysi dadka hantida leh kuwo saboolka ah oo farqi aad u badani ha u dhaxeeyo.

  13. 13.Ka dhig lacagta hadaflooda nolosha: Ka dhig Shakhsiyaadku inay kusii jiraan xaalad halgan ah oo weligeed ah , kuna adkee inay hanti urursadaan.

  14. 14.Canshuur badan ka qaad, kuna dheh dantiina ayaa ku jirtaa: Ka qaad cashuur badan adigoo qarinayo ama aan soo bandhigayn daryeelka bulshada, tani waxay ka niyad jabin doontaa shakhsiyaadka inay su'aal iska waydiiyaan nidaamka jira ama dawlada.

  15. 15.U samee aalad digital ah oo ay la qabatimaan . Samee aalado dhijitaal ah oo dadka ku qiimeeya tirada taageerayaasha ay haystaan. Sidan, dadku waxay dareemi doonaan inuu qiimahoodu ka yimaado ama uu ku xidhanyahay tirada followerska ay haystaan , marwalbana waxay dooni donaan in dadka raacsani ay sii bataan , mana qanci donaan.

  16. 16.Ka qaado waqtiga ugu badan iyo energy- ga isbuuc walba. ka dhig dadka kuwo si adag u shaqeeya inta lagu jiro usbuuca laakiin sii laba maalmood oo fasax ah , si ay u nastaan. Sidan markaad samayso , labadaa maalmod waxay u qaadan donaan abaal-marin ahaan, waxayna u badan tahay in aanay ka caban doonin ama iska caabin samayn doonin.

  17. 17.Ku boori isticmaalka maandoriyaasha sida qaadka iyo sigaarka.Ka dhig inay qabitimaan maandoriyaasha, si ay ugu soo xisaan oo ay marwalba u donaan . markad sidan samayso dadka waad iska jeedin doontaa .

  18. 18.Ku dar oo ka buuxi cuntada ay cunayaan sonkor badan iyo kimikoyinka lala qabsado: Ka dhig cuntada ay maalin laha u cunaan mid sonkor badani ay ku jirto oo ay la qabitaam , sidoo kalana ka dhig mid raqiis ah oo ay si fudud ku iibsan karaan si ayna u joojin cunista cuntooyinkaas .

  19. 19.Markay ku xanunsadaan cuntadaa aad siisay , u qor dawooyin kaliya xanuun baabi’iya oo aanan caadi u dawaynayn , si ay ula qabatimaan oo ay marwalba usoo doontaan dawadaas.

  20. 20.Ka dhig qaali adeegyada caafimad iyo hospitaalada: Ku dalac lacag aad u badan oo loogu talagalay daryeelka caafimaadka si aad uga dhigto inay ku sii jiraan wareegga joogtada ah ee isticmaalka cuntada an cafimadka lahayn, daawada, iyo shaqaynta maalin laha ah.

  21. 21.Ka dhax Abuur xaalad xasilooni daro , kuna eede mid kamida kooxahooda ama qabiiladooda . Markaad sidan samayso dhaxdooda ayay shaki iyo cadaawad iman dontaa , iyagaana isku jeesan dona , kamana shakiyi donaan systemkaa jira. Tusale waxa inoogu filan somalida iyo qabyaalada.

  22. 22.Iyaga isku jeedi oo yaanay is waafaqin. Markaad isku jeedisid iyaga , isma aamini donaan , xitaa waxyabaha yaryar iskuma raaci donaan. Sida somaalida.

Hadaad u fiirsato , somalida dawladaheeda , waxaad arki doonta in meelo badan lagu isticmaalay hababkan.