Horta waligaa ma isweydiisay: "Sideen ku ogaan karaa in waxa aan arkayo ay dhab u jiraan ama dhab yihiin iyo in kale?" Cutubka labaad ee buugga Thomas Nagel, waxaynu egaynaa su’aal maskaxda tuujinaysa oo ku saabsan sida aynu u ogaano wax kasta oo inagu xeeran.
Sidee bay dareen-wadayaasha iyo maskaxdu u wada shaqeeyaan?
Dareen-wadayaasha waxa ka mid ah aragga, maqalka, taabashada iyo urta, waana waxa kaa caawiya inaad la falgasho oo aad ogaato adduunka kugu xeeran. Markaad wax eegto ama aad wax aragto, indhahaagu waxay fariin danabaysan (signal) u diraan maskaxdaada, markaasay maskaxdu turjuntaa fariintaas ay xididdada indhuhu u soo gudbiyeen.
-
Aragga: Haddii aad aragto buug yaalla miiska dushiisa, indhahaaga ayaa sawirka buuggaas fariin ahaan ugu diraya maskaxdaada, kadibna maskaxdaada ayaa ku odhanaysa: “Waxaasi waa buug”.
-
Taabashada: Haddii jidhkaagu taabto dhulka, fariin ayaa u gudbaysa maskaxda, markaasay maskaxdu kuu sheegaysaa in waxa aad taabatay uu yahay “dhul”.
Dhibaatadu waxay tahay haddaba in waxaas oo dhan ay ka dhex dhacayaan gudaha maskaxdaada. Ilaa maskaxdaadu turjunto fariinta uga imanaysa jidhka mooyaane, si kale uma ogaan kartid waxa ka dhacaya adduunka kugu hareeraysan. Sidaa darteed, waxa kaliya ee aad boqolkiiba boqol hubto waa waxa ay maskaxdaadu kuu sheegto sida fikradahaaga, dareenkaaga, iyo waayo-aragnimadaada.
Haddii aad is-tidhaahdo “waan arkayaa waxan, markaa waa dhab,” waxaad weli ku tiirsan tahay dareen-sideyaashaada, kuwaas oo iska noqon kara kuwo been kuu sheegaya.
Ma aamini karnaa fariimaha inooga imanaya dareen-wadayaasha?
Dareen-wadayaashu mararka qaar way na khiyaami karaan. Buuggu wuxuu inoo soo bandhigayaa saddex tusaale oo muhiim ah:
- Dhalanteedka Indhaha (Optical Illusions): Markaad meel fog ka soo aragto qori biyo ku dhex jira, wuxuu kuula muuqan doonaa inuu qalloocan yahay, laakiin dhab ahaan wuu toosan yahay. Indhahaaga ayunbaa ku siraya oo maskaxdaada fariin qaldan u gudbinaya.
-
Riyooyinka: Markaad huruddo ee aad riyoonayso, wax walba waxay kula yihiin run, inkastoo aanay adduunka dhabta ah ka dhacayn waxaasi. Waxaad moodaysaa inaad gaadhi waddo ama dad la sheekaysanayso, laakiin markaad soo toosto ayaad ogaataa inay riyo ahayd. Su’aashu waxay tahay Sideed ku ogaan kartaa in hadda aadan riyoonayn? cadeyn ma u heysaa in aadan hadda riyooneyn. Laga yaabaa inaad tidhaahdid "waayo waan taaban karaa miiska ama waxbaan arkayaa," laakiin riyada dhexdeedaba wax baad ku taabataa! Markaa, maba jiro "proof iyo cadeyn" dhab ah oo aad ku kala saari karto riyada iyo waaqica.
-
Mala-awaalka (Hallucinations): Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay arkaan ama maqlaan waxyaabo aan meeshaba ka jirin, waayo dareen-wadayaashooda ayaa siinaya maskaxda xog khaldan, maskaxduna xogtaa khaldan ayay turjumeysaa.
ogow: Maskaxdu iskeed uma kala saarto in waxaasi run yihiin iyo in kale; waxay uun turjumaysaa fariimaha ay dareen-wadayaashu u soo gudbiyaan. Sidaa darteed, ma aamini karno inay mar walba run inoo sheegayaan, waayo ma haysanno caddayn ka baxsan dareen-wadayaashaas aan ka shakisanahay.
Ma adigoo keliyaa jira? (Solipsism)
Halkan waxaynu ku eegaynaa aragti cajiib ah oo la yidhaahdo Solipsism.
Aragtida Solipsism waa mid ka mid ah doodaha ugu yaabka badan ee falsafadda ku jira, taas oo su'aal gelinaysa jiritaanka wax kasta oo ka baxsan maskaxdaada. Halkan waxaan kugu sharaxayaa nuxurka aragtidan:
Solipsism waa aragti falsafadeed oo soo jeedinaysa in aanu jirin adduun ka baxsan kan maskaxdaada ka dhex samaysan. Marka la eego aragtidan, ma jiraan xiddigo, dhul, cir, iyo dad toona; waxa kaliya ee jira waa adiga iyo fikirka madaxaaga ku jira.
-
Ma jiro Adduun Dibadeed: Aragtidu waxay leedahay wax kasta oo aad qabato ama aad aragto dhab ma aha. Tusaale ahaan, dadka aad la hadasho ama buugaagta aad akhrido laga yaabaa inay yihiin uun wax ay maskaxdaadu kuu sheegayso balse aanay dhab ahaan u jirin.
-
Jidhkaaga oo aad ka Shakido: Xitaa waxa laga yaabaa in uusan jidhkaagu run ahayn amaba uusan jirinba. Waxaad u aaminsan tahay inuu jidhkaagu jiro uun sababtoo ah waxaad rumaysanaysaa dareen-wadayaashaada, laakiin ma haysid caddayn kale oo intaas dhaafsiisan.
-
Sida Riyada oo kale: Fikraddani waxay u dhowdahay sida riyada. Markaad riyoonayso, wax walba waxay kuula muuqdaan dhab, laakiin dhab ahaantii waxay ka dhex dhacayaan uun gudaha maskaxdaada. Solipsism-ku wuxuu is-weydiinayaa: "Maan la is-odhan karayn adduunkuba waa maskaxdaada dhexdeeda oo ma jiro adduun ka baxsan?".
-
Waxa kaliya ee aad Hubto: Sida buugga ku qoran, waxa kaliya ee aad si dhab ah u hubto waa waxa ka dhacaya gudaha maskaxdaada sida fikirkaaga, dareenkaaga, iyo waayo-aragnimadaada.
Maxay u adag tahay in la beeniyo?
Dhibaatada taagan waxay tahay inaanad caddayn karin inuu jiro adduun dhab ah oo ka baxsan maskaxdaada. Haddii aad tidhaahdo "waan arkayaa geedkaa, markaa waa dhab oo wuu jiraa," weli waxaad ku tiirsan tahay dareen-wadayaashaada (aragga), kuwaas oo la ogaaday inay mararka qaar dadka siri karaan oon lagu kalsoonaan karin , cadeyna kuma noqon karaan.
In kasta oo aragtida solipsism-ku ay u muuqato mid xagjir ah oo laga yaabo inaan la aqbalin, haddana markaad si qoto dheer uga fikirto, ma jirto caddayn buuxda oo muujinaysa inuu jiro adduun maskaxdaada ka baxsan. wax kastaa waxay ka dhex dhacaan maskaxdaada.
Skepticism iyo Xasuusta
Haddii aad su’aalo iska weydiinayso inuu jiro adduun dhab ah iyo in kale, waxaad adeegsanaysaa qaab-fikirka loo yaqaan Skepticism.
Skepticism waa qaab-fikirka aad su’aalaha iskaga weydiinayso inuu jiro adduun dhab ah iyo in kale. Waa qaab aad wax isku weydiinayso oo aad su’aal gelinayso wax walba oo adduunka ku saabsan, adigoo is-leh: “Ka warran haddii aysan run ahayn ama aysan jirinba wax walba oo aan arko ama dareemo – oo ay kaliya maskaxdaydu samaynayso un?”
Skepticism-ku wuxuu ku dhisanyahay dhowr qodob oo muhiim ah:
- Shakiga Dareen-wadayaasha:
Xitaa haddii uu jiro adduun dhab ahi, skepticism-ku wuxuu leeyahay ma aamini kartid waxaad arkayso ama dareemayso. Sababtoo ah dareen-wadayaasha fariimaha u gudbiya maskaxda (sida aragga, maqalka, iyo taabashada) waxay mararka qaarkood noqon karaan kuwo ku marin-habaabinaya ama ku siri kara, iyagoo kuu sheegaya wax aan meeshaba oollin.
- Mala-awaalka iyo Riyooyinka:
Waxaad is-weydiinaysaa in wax kasta oo aad la kulantaa ay yihiin riyo ama mala-awaal. Maadaama riyada dhexdeeda wax kasta ay dhab u u ekaadaan, skepticism-ku wuxuu soo jeedinayaa in laga yaabo inay wax kasta ka dhex dhacayaan gudaha maskaxdaada, oo aanay jirin caddayn buuxda oo muujinaysa inuu jiro adduun ka baxsan.
- Shakiga Xasuusta:
Skepticism-ku wuxuu xitaa su'aal geliyaa xasuustaada. Tusaale ahaan, sideed ku ogaan kartaa inaanay maskaxdaada hadda un lagu shubin xogta aad u haysato inay dhacday 5 daqiiqo ka hor? Maadaama xasuustu ay tahay xog maskaxda ku kaydsan, way qaldami kartaa ama way ku siri kartaa.
Marka la soo koobo, skepticism waa qaab-fikir kugu dhiirrigelinaya inaad ka shakido xaqiiqada wax kasta oo aad dareemayso ama aad xasuusato, adigoo is-weydiinaya haddii ay jiraan sharaxaad kale oo ka duwan kuwa aad hadda aaminsan tahay.
Maxaynu ka baranaynaa halkan?
Saynisku inoogama jawaabi karo su’aalahan, waayo saynisyahannadu laftoodu waxay isticmaalaan dareen-wadayaashooda si ay wax u tijaabiyaan. Haddii aynaan ku kalsoonaan karin dareen-wadayaasheenna, sideen u aamini karnaa waxa uu saynisku inoo sheegayo?
Ugu dambayn, cutubkani wuxuu inoo sheegayaa in falsafaddu tahay safar aad adigu iska leedahay. Waa inaad adigu wax is-weydiisid oo aad baadho jawaabaha adiga kula saxan.