Qoraalkani wuxuu si qoto dheer u lafa-gurayaa mawduuca loo yaqaan "dhibaatada maskaxaha kale." In kasta oo aynu arki karno dadka kale, maqli karno waxay sheegayaan, xitaa eegi karno gudaha jidhkooda, haddana ma jirto si aynu u ogaan karno waxa maskaxdooda ka dhex dhacaya ama sida ay wax u dareemayaa
Waxaynu ognahay inaynu leenahay maskax iyo waayo-aragnimo inoo gaar ah. Laakiin sideen ku ogaan karnaa in dadka kale iyo xayawaannadu ay sida inaga oo kale maskax iyo dareen leeyihiin? Su’aashan waxaa la yidhaahdaa "dhibaatada maskaxaha kale" (the problem of other minds).
Ma ogaan karnaa inay dadka kale sideenoo kalaa wax u dareemaan? Tusaale ahaan, adiga iyo saaxiibkaa ayaa cunay jalaato. Sideed ku ogaan kartaa inaad labadiinuba isku si u dhadhaminaysaan shukulaatada? Waxa laga yaabaa inay adiga shukulaatadu si gaar ah kuugu dhadhamaysay, laakiin saaxiibkaa uu dhadhankiisu kaa duwan yahay oo ay isaga shukulaatadu u tahay xabxab ama qare.
Haddii aad is-tidhaahdo " jalaatada saaxibkaa dhadhami," weli adigii uun baa dhadhaminaya oo qaabkii uu dhadhankaagu ahaa unbuu noqonayaa mar walba. Ma haysid ama maad helin jid aad ku gasho maskaxdiisa si aad u ogaato "macaanka" isaga u muuqda iyo siduu wax u dhadhaminayo.
Xaaladda Midabbada
Waxa isna la mid ah midabbada. Markuu saaxiibkaa yidhaa “gaadhigaasi waa casaan,” sideed ku ogaan kartaa in casaanka uu sheegayo uu la mid yahay ka aad taqaanid? Waxa laga yaabaa in waxa uu saaxiibkaa casaanka u yaqaan inaad adigu u taqaanid “huruud ama jaale”, laakiin isagu uu "casaan" ugu yeedho waayo waa kalmadda uu u bartay midabkaas.
Dadka kale ma noqon karaan sida Robots?
Haddii aan sii wadno su’aal is-waydiinta, waxaa xitaa laga yaaba inaan is-weydiino: horta dadka kale sideenoo kale miyay u miyir-qabaan. Waxa laga yaabaa inay yihiin sida mashiinnada ama robots-ka oo kale, kuwaas oo u dhaqma sidii kuwo wax dareemaya laakiin gudaha aan waxba ka dareemayn.
Ka warran Xayawaanka iyo Dhirta?
Dad badan baa aaminsan in eeyaha ama shimbiruhu leeyihiin dareenno. Laakiin ka warran kalluunka, cayayaanka, ama xitaa dhirta iyo kombuyuutarrada? Ma isleedahay waxay leeyihiin dareen ama khibrad? Dhibtu waxay tahay: si toos ah uma arki karno waxay dareemayaan, markaa ma garanayno inay leeyihiin dareenno sideenoo kale ah iyo in kale.
Gunaanad:
Maxaynu si dhab ah u ogaan karnaa? Maskaxda keliya ee aan hubno inay jirto waa teena. Si boqolkiiba boqol ah uma ogaan karno waxay dadka kale ka fekerayaan ama dareemayaan. Waxa suurto-gal ah inay jiraan dhawr noole oo miyir-qaba, amaba se waxa laga yaabaa inay intaa ka badnaadaan.
jidhka iyo maskaxdu ma laba shay oo kala duwanbaa mise waa isku mid? La soco qoraalka dambe oo aynu ku lafa-gurayno "Dhibaatada Maskaxda iyo Jidhka."