Hordhaca Falsafadda

Ku Soo Dhawoow Adduunka Falsafadda: Ma Doonaysaa Inaad Maskaxdaada Tuujiso?

Ma isweydiisay mar uun su’aalaha nolosha ugu waaweyn ee aan inta badan jawaabta fudud loo helin? Ma doonaysaa inaad ogaato farqiga u dhexeeya sida uu saynisyahanku wax u arko iyo sida uu faylasuufku wax u eego?

Maanta waxaynu milicsan doonaa cutubka koowaad ee buugga caanka ah ee Thomas Nagel ee cinwaankiisu yahay "What Does It All Mean?" (Maxay wax kastaa ka dhigan yihiin?), kaas oo uu af-soomaali u rogay Ismail Abdi Ismail.

Falsafaddu Maaha Wax Ku Kooban Jaamacadaha

Dad badan waxay u haystaan in falsafaddu tahay maado adag oo loogu talagalay dadka waaweyn ama ardayda jaamacadaha oo keliya. Laakiin Nagel wuxuu inoo sheegayaa in falsafaddu ay tahay mid u furan qof kasta oo raba inuu "maskaxdiisa tuujiyo". Xitaa haddii aadan aqoon hore u lahayn, waxaad ka faa’iideysan kartaa barashada falsafadda haddii aad tahay qof isweydiiya Su'aalahan:

  1. Maxaa run ah ee jira?

  2. Wax walba ma ogaan karnaa?

  3. Maxaa sax ah, maxaase khaldan?

  4. Waa maxay macnaha noloshu?

Maxay Falsafaddu uga Duwan tahay Sayniska iyo Xisaabta?

Cutubka koowaad wuxuu si cad u kala saarayaa habka ay aqoontu u shaqeyso:

  • Sayniska: Wuxuu ku tiirsan yahay tijaabooyin iyo baadhis. Tusaale ahaan, saynisyahanku wuxuu bartaa sida ay u shaqeeyaan atom-yada iyo cufis-jiidadka (gravity).

  • Xisaabta: Waxay leedahay xeerar adag iyo qaacidooyin lagu xalliyo dhibaatooyinka nambarada.

  • Falsafadda: Iyadu ma isticmaasho tijaabooyin iyo shaybaadho (lab) ama qaacidooyin go’an sida xisaabta. Falsafaddu waa sahaminta fikradaha. Halkii taariikhyahanku isweydiin lahaa "Maxaa dhacay waqtigii hore?", faylasuufku wuxuu isweydiiyaa "Waa maxay waqti laftiisu?".

Maxaa Falsafadda ka Dhigay Mid Adag?

Sababta ay falsafaddu u adag tahay maaha inaan la fahmi karin, laakiin waxay ka hadashaa arrimaha "asaasiga ah" ee nolosheenna. Waxay isku daydaa inay fahamto waxyaabaha aan maalin kasta isticmaalo laakiin aynaan ka fikirin, sida: Waqtiga, Nambarada, Aqoonta, iyo Saxa & Khaladka.

Maadaama aysan jirin aalado (tools) lagu cabbi karo su'aalahan si loo helo jawaab cad, falsafaddu waxay ku tiirsan tahay oo keliya maskaxdaada iyo inaad si qoto dheer u fikirto adigoon waxba iska qiyaasayn.

Gunaanad: Sidee u Isticmaali Kartaa Falsafadda?

Thomas Nagel wuxuu inoo soo jeedinayaa in falsafaddu tahay safar aad adigu iska leedahay. Xitaa haddii qoraaga buuggu uu aragtidiisa kula wadaago, waajib kuguma aha inaad ku raacdo arigtidiisa ilaa ay maskaxdaadu ku qanacdo mooyee.

Falsafaddu waa inaad adigu wax is-weydiisid oo aad baadho jawaabaha adiga kula saxan. Markaa, diyaar u tahay inaad bilowdo safarkaaga falsafadeed?