CUTUBKA 8AAD

CUTUBKA 8AAD

FAHAMKA QAAB-DHISMEEDYO KALE

Mid ka mid ah siyaabaha ugu fiican ee maskaxda lagu ballaadhiyo waa in aad akhrido oo aad baadhitaan ku sameyso cilmi kala duwan oo tiro badan. Dalalka Reer Galbeedka, waxaan aaminsannahay in habka sayniska uu yahay kan ugu fiican — xitaa uu yahay midka keliya ee shaqeeya. Laakiin lama dafiri karo xaqiiqada ah in dalalkayagu ay yihiin kuwo xanuunsan, dhulkayaguna wasakhoobay, dadkuna intooda badan ay ku xidhan yihiin tiknoolajiyadda. Heerka isdilku aad buu u sarreeyaa, waxaana soo baxaya cudurro cusub oo aan horey u jirin. Habka aan u fikirno iyo fahamkeennuba waxay ku xaddidan yihiin kaliya ma ahan goobta aan joogno, balse sidoo kale wakhtiga aan noolnahay. Haddii sayniska Reer Galbeedku uu is dhexgelin lahaa Dhaqanka Daawada Shiinaha iyo Ayurveda-da Hindiya, halkii uu iska diidi lahaa, horumar badan baa la gaadhi lahaa. Si kastaba ha ahaatee, aad bay faa’iido u leedahay in la arko lana fahmo qaab-dhismeedyo kala duwan, si maskaxdeennu u xoogaysato una ballaadhato aragtideennu. Si kastaba ha ahaatee, ka digtoonow akhris badan oo aan xad lahayn oo kaa dhiga qof kaliya fikir badan balse aan ficil ku dabbaqin nolosha dhabta ah. Sida uu sheegay Seneca, faylasuufkii Stoic-ka ahaa: “Ka taxaddar in akhriska buugaag iyo qoraayaal kala duwan uu kaa dhigo mid fikirkiisu firdhiyo oo aan degganayn. Waa inaad muddo la joogtaa qoraayaal tiro yar oo maskaxda u miisaaman, oo aad si qoto dheer u dhuuxdaa qoraalkooda, si fikraduhu ay maskaxdaada si xooggan ugu dhagaan.”

Isku day inaad barato oo aad fahamto tiro yar oo falsafado iyo aragtiyo kala duwan ah si aad si qoto dheer u fahamto sida ay wax u shaqeeyaan, halkii aad markiiba si indho la’aan ah aad wax u diidi lahayd. Halkan waxaa ku yaal qaar ka mid ah qaab-dhismeedyada ama falsafadaha kale oo aad qaadan karto. Ula qaado mid mid waqti si tartiib ah.

CILMI FALAGGA(astrology)

Nooca ugu weyn ee cilmiga xidigaha wuxuu ka soo jeedaa qoraallada hinduuga ah ee loo yaqaan vedas. Si kastaba ha ahaatee, culuumta xidigahu waxay xididdo ku leedahay dhaqamo badan oo qadiimi ah sida dadka native american-ka iyo dhaqamada shamanic. Xidigiska waxaa loo yaqaanaa cilmiga sharafta leh ee ruuxigaa, waxaana si weyn loogu tixgeliyaa, gaar ahaan dalka hindiya. Cilmi falag-ga reer galbeedka iyo kan vedic waa laba nidaam oo kala duwan oo diiradda saaraya meelo kala duwan oo meerayaasha ah. Ujeeddada ugu weyn ee xidigisku waa inaad ogaatid dabeecadahaaga iyo inaad si qoto dheer u fahamto shakhsiyaddaada si aad isu-dareen qabato.

CILMI CAAFIMAADKA(ayurveda)

cilmigan waa cilmi walaal la ah xiddigiska, waxayna asal ahaan ka soo jeeddaa dalka Hindiya. Ayurveda waxay sharaxeysaa saddex nooc oo tamarta jidhka iyo maskaxda ku saleysan:– tamarta dhaqdhaqaaqa–tamarta dheefshiidka – tamarta dhismaha iyo xasilloonida. Qof kasta waxa uu leeyahay isku-dar ka mid ah 11 nooc ee tamarahan, waxaana lagu saleyaa talooyin la xidhiidha: - Jimicsiga ku habboon - Cuntada ku habboon- Farsamooyinka nasashada. Ayurveda si aad ah ayay ugu habboon tahay in lagu sharxo meelaha cilmi-nafeedka Reer Galbeedku ku liito, gaar ahaan fahamka dhammaystiran ee nafaqada.

AWOODDA HADDA

Awoodda hadda waa fikrad sheegaysa in kaliya waqtiga hadda la joogo uu jiro, halka waqtigii hore iyo mustaqbalku ay yihiin wax mala-awaal ah. Tani waxay sabab u tahay in waqtiga laftiisu yahay wax aan dhab ahayn. Fikradda ka soo horjeedda waxaa lagu magacaabaa Eternalism, taasoo sheegaysa in dhammaan waqtiyada—hore, hadda, iyo mustaqbalka ay yihiin kuwo run ah oo si siman u jira. Awoodda hadda waxay asal ahaan ka timid falsafadda Buddhism-ka, halka cilmiga casriga ahi uu si gaar ah u taageero Eternalism, in kastoo aysan si buuxda u diidin fikirka waqtiga hadda. Fikradda awoodda hadda waxaa si casri ah loogu faahfaahiyay buugga la yidhaahdo “The Power of Now” ee uu qoray Eckhart Tolle.

FALSAFADDA XASILLOONIDA (stoicism)

Stoicism waa falsafad aad u qiimo badan oo ku saleysan wax ku oolnimo, inkastoo ay hoos u dhigto dareenka bini’aadamka, iyadoo u aragta inuu mararka qaar yahay wax aan faa’iido lahayn. Falsafaddan waxay ka bilaabmatay magaalada Athens, waxaana ku dhaqmi jiray dad caan ah sida:-Marcus Aurelius- Seneca- George Washington - Thomas Jefferson - Boqorkii Prussia Frederick the Great. Dadka casrigan ee iyana qaatay fikirka Stoicism waxaa kamid ah:- Nassim Taleb- Tim Ferris. Fikradaha Stoicism ku waxay diiradda saaraan adkaysi iyo horumar. Wixii dhibaato ah ee kugu dhaca, waa in aad u aragtaa fursad aad ku korto. Waa falsafad ku dhisan ficil, mana la jecla dood aan dhammaad lahayn. Stoicism waxay si gaar ah ugu habboon tahay xilligeenna casriga ah oo ay jiraan xogo buuq badan.

DAAWO DHAQAMEEDKA SHIINAHA

Daawada Dhaqameed ee Shiinahu waa cilmi dhaqameed Shiineed oo la xidhiidha caafimaadka. Hab-fikirka Shiinaha aad buu uga duwan yahay kan reer Galbeedka, taasna waxay ka dhigaysaa daawo dhaqameedkan mid aad ugu fiican kobcinta fahamka iyo ballaadhinta maskaxda. Daawo dhaqameedkani waxay ku saleysan tahay mabda'a Yin iyo Yang1, oo ah laba awood oo is-dheelli tira, kuwaasoo lagu arko dhammaan culuunta koonka. Sidaas darteed, haddii xubin jidhka ka mid ah ay leedahay Yin badan ama Yang yari, Daawo dhaqameedku waxay bixisaa daaweyn lagu hagaajinayo is-dheellitirkaas. Waxaa kaloo daawo dhaqameedkani aaminsan tahay in jidhka bani’aadamka ay ka buuxaan xariijimo tamareed oo la yiraahdo Nadis ama Meridians, kuwaas oo isku xidha dhammaan xubnaha jidhka. Intaas waxaa dheer, daawo dhaqameedkani waxay xidhiidh dhow u dhaxaysiisaa xubnaha jidhka iyo dareenka sida murugada, farxadda, xanaaqa. Fikradaha waddooyinka tamarta ee jidhka waxa sidoo kale laga helaa cilmiga Ayurveda ee Hindiya.

FALSAFADDA NOLOL DABIICI AH(Taoism)

Taoism waa mawduuc kale oo ka yimid Shiinaha, waana mid badanaa lagu tilmaamo sir ama qarsoodi. Waxay kasoo farcantay qoraalka Tao Te Ching, oo uu qoray nin la odhan jiray Lao Tzu. Taoism waxay xoogga saartaa wax la yidhaahdo “The Way” (Wadada) — mana aha nidaam adag ama xeerar la raacayo, balse waa tilmaamo deggan oo ku saabsan sida nolosha loogu noolaado si dabiici ah oo aan kakanayn. Dhinaca kale, Confucianism2(anshax), oo iyaduna ka timid Shiinaha, waa falsafad kale oo caan ah, laakiin waa mid aad u nidaamsan oo leh xeerar badan iyo tilmaamo sugan oo ku saabsan anshaxa.

WACYI RUUXI AH(zen)

Zen waxa uu ku saabsan yahay in si weyn la iskaga ilaawo nafta ama ego-da. Waxa uu ku saleysan yahay ku celcelinta khulwada Zazen, wuxuuna ka farcamay Mahayana Buddhism. Zen si fudud looma sharxi karo, waayo waa waayo-aragnimo toos ah, ma aha fikrad keliya. Marka qofku sanado badan ku dadaalo fikirka khulwada, waxa uu si tartiib ah u gaadhaa falsafadda Zen.

Haddii aysan jirin khulwo joogto ah, lama gaadhi karo xaaladda Zen—waana laf-dhabarta falsafaddan.

Mahad oo idil waxa iska leh ilaahay(swt)

Dhammaad

Jimce, November, 7, 2025.