CUTUBKA 5AAD

CUTUBKA 5AAD

XEERKA SOO-JIIDASHADA IYO DHAYMADA DHINACYADA QARSOON EE

NAFTA

Waxaa jira laba aragtiyood oo waaweyn oo ka jira qeybaha cilmi-nafsiga iyo ruuxiga. Dadka raaca xeerka soo-jiidashada waxay aaminsan yihiin in waxa aad maskaxdaada ku fikirto uu waqti ka dib kobco oo uu soo jiito fikrado kale oo togan. Haddii aan tamarteenna la jaan-qaad-siinno waxyaabaha inaga farxiya, markaas xawaaraha farxaddu wuu kordhaya, waxaana farxaddu noqonaysaa mid fudud. Laakiin waxaa jira dad kale oo soo bandhiga dood si la mid ah u xooggan. Qof kasta wuxuu leeyahay dhinac mugdi ah oo ay bulshadeennu casriga ah cadaadiso ama qariso. Haddii dhinacan mugdiga ah aan la baadhin oo aan la oggolaan in la muujiyo, wuxuu sii ahaanayaa mid ku dhuumaalaysta caqligeenna hoose, wuxuu carqaladeynayaa farxaddeenna. Wax kasta oo aynu ubaahanno waa in si uun loo farsameeyaa oo loo muujiyo. Waa mabda’ cilmiyeed oo si weyn loo aqoonsan yahay in tamarta aan la abuuri karin ama la baabi’in karin, balse waa la beddeli karaa.

DHAYMADA DHINACA QARSOON EE NAFTA

Cilmi nafsiyeedka “Shadow psychology” waxa markii ugu horreysay caan ka dhigay saynisyahanka weyn ee Carl Jung. “qaybta qarsoon”- waa qaybta miyirka hoose ee nafteena, oo aynaan si toos ah u aqoonsan karin ama aynaan ula jaanqaadi karin. Dhab ahaantii, waxaa jira dhinacyo togan oo ku jira qaybtan qarsoon.

Dadka isku daya inay dadka oo dhan raalli geliyaan (“People Pleasers”) waa inay bilaabaan inay aqoonsadaan xanaaqooda, isla markaana si cad dadka ugu sheegaan inay ka dhaqaaqayaan iyaga oon ka labalabayn. Laakiin sababtoo ah waxay ku soo koreen oo lagusoo barbaariyay hab dhaqan ah in ay dadka kale ixtiraamaan oo ay noqdaan dad wanaagsan, way ku adag tahay inay si miyir leh u fahmaan in dadka “maya” loo sheego ay noqon karto arrin dabiici ah, raalli galin ah, caadi ah. Taas beddelkeeda, waxay qaataan hawl culus oo ka badan inta ay xamili karaan, waxayna ugu dambeyn la kulmaan cadaadis iyo walwal, iyagoo rumeysan in burburinta maskaxdooda iyo laxawgooda ay tahay wax wanaagsan.

Guud ahaan, qaybta qarsoon ee naftu waxay leedahay dabeecado taban. Waxa ku jira cabsi qoto dheer iyo naqdin nafeed. Kadibna, waxay ku waajahaan cabsidaas iyo qalloocaas dadka kale. Marar badan, dadka waxay dabeecadahooda taban u tusaan dadka kale si ay u maareeyaan xanuunka iyo dhibka ay naftooda ku qabaan. Tani waa xulashada labaad ee ugu fiican marka loo eego in qofku si toos ah u waajaho gudaha naftiisa, taasoo ah arrin aad u adag. Sida uu Jung aaminsanaa, habka ugu fiican ee lagu baadhi karo dhinaca qarsoon ee nafta waa in la adeegsado fasiraadda riyooyinka iyo falanqaynta astaamaha. Qaybta qarsoon ee nafta waxaa lagu sheegay “Garasho la’aanta” (ama Maskax aan la ogayn) dhiganayaashii ay qoreen Sigmund Freud iyo Friedrich Nietzsche. Fikradda ah nafta qarsoon ayaa noqotay mid si weyn u caan noqotay waayadan dambe, taasoo sabab u ah loollankii xoogga lahaa ee hore u lahaa fikirka xeerka soo Jiidashada. Dad aad u badan ayaa hadda ku fooggan riyo-fasiraad iyo su’aalo is qiimayn ah si ay uga takhalusaan dabeecadaha qarsoon oo ay nafta dhigaan heerka garashada sare ee maskaxda.

XEERKA SOO-JIIDASHADA

Xeerka soo-Jiidashada1 waxaa markii ugu horreysay caan ku noqday Jerry iyo Esther Hicks iyagoo ku soo bandhigay filimkii “The Secret” ee la sameeyay gugii 2006. Waxay sheegeen inay la xidhiidhaan jidh aan muuqan oo lagu magacaabo Abraham. Jerry Hicks wuxuu u dhintay cudurka kansarka sanadkii 2011, taasoo sababtay in dad badan ay bilaabaan inay su’aal geliyaan runnimada iyo saxnaanta jidhkaas aan muuqan. Si kastaba ha ahaatee, Esther Hicks weli way firfircoon tahay, waxayna leedahay dad aad u badan oo raacsan. Intaa waxaa dheer, xeerka SooJiidashada waxaa lagu muujiyay ama lagaga hadlay bulshooyin taariikhi ah iyo qoraallo diimeedyo kala duwan. Ma aha kaliya aragti ay iska leeyihiin reer Hicks, balse iyagaa ku guuleystay inay si weyn ugu soo bandhigaan bulshada caalamka xilligan casriga ah ee qarnigan 21aad.

Xeerka Soo-Jiidashada waa mid si fiican loo fahmi karo, wuxuuna si qoto dheer u sharraxaa sababta dadka qaarkood u guulaystaan halka kuwa kalena aysan u guulaysan. Laakiin, casharrada dhammayska tiran ee la socda waxay daboolayaan arrimo badan oo adag, oo aad uga gudo ballaadhan kaliya in diiradda la saaro fikirka wanaagsan. Sidoo kale, waxay si ugub ah diiradda u saartaa rabitaanka iyo shucuurta. Kuwaas waxaa laga arkay aragtida ruuxiga ah ee Bariga inay yihiin " wasakh ", halkaas oo aan ka helno inta badan xogaha qarsoon ee ruuxiga ah. Fahamadan qalloocan ayaa dadka ku qanciyay in rabitaanka iyo shucuurta ay yihiin wax xun ama shaydaannimo, inkasta oo runta dhabta ahi ay aad uga fog tahay arrintaas. Intaa waxaa dheer, dareen xad dhaaf ah ayaa la saaray fikirrada maskaxda, halka xaqiiqadu tahay in gariirka shucuurta uu yahay waxa awoodda siiya muuqaal u samaynta rabitaanka. Xeerka soo-jiidashada wuxuu sal ku leeyahay shucuurta, halkii uu ka ahaan lahaa fikirro kaliya — waana aragti cusub oo si buuxda uga geddisan ama ka duwan tii hore.

MID KEE AYAA HABBOON?

Warka wanaagsani waa in aan loo baahnayn in la kala doorto. Qaybta qarsoon ee nafta iyo fikirka togan labaduba si fudud ayay isula jaanqaadi karaan ama isu waafaqi karaan. Looma baahna in aad hal dhinac la safato oo aad midka kale gaashaanka u daruurto ama diido — taasi wax faa’iido ah ma leh, waana mid caqabad ku noqon karta wax soosaarka iyo harumarka. Halkii taas laga yeeli lahaa, ka faa’iidayso labada dhinacba wixii ay ku fiicanyihiin. Waxaa dhici karta markaad fikirka togan sameyso ay soo ifbaxaan dhibaatooyin ama dareenno qarsoon, sidoo kale markaad fahamka qaybtaada qarsoon aad kor u qaaddo waxay kuu kordhin kartaa farxad iyo nolol togan. Is-afgarad fiican waxa uu noqon karaa inaad samayso labadaba: qaybta mugdiga ee nafta iyo inaad sidoo- kale ilaaliso fikirka togan, balse xoogga saar fikirka togan. Waxa kale oo muhiim ah in la fahmo farqiga u dhexeeya in wax la iska indhatiro iyo in xoogga la saaro dhinaca wanaagsan ee shay leeyahay. Sidaas darteed, caqabadahaaga si toos ah u waajah oo si geesinnimo leh ula tacaal. Isla mar ahaantaana, isku day inaad mustaqbalka dhugmo u yeelato adiga oo- rajo leh oo filanaya wax wanaagsan inay kuu kaydsanyihiin.

Waxba haka cararin tagtagii hore iyo xasuusihii xanuunka lahaa, sababtoo ah waxa loo aqoonsaday caqabadda koowaad ee horumarka iyo koritaanka mustaqbalka. Ka cararka dareenka sidoo kale waa sababta ugu weyn ee murugada iyo farxad la’aanta, sida ay sheegeen qaar ka mid ah khubarada cilmi-nafsiga. Waxay noqon kartaa arrin adag in la dheellitiro labada dhinac, balse si aad u yeelato maskax caafimaad qabta, waa inaad diiradda saartaa labadaba.

CUTUBKA 6AAD

HAL-ABUURKA IYO MALA-AWAALKU WAA AGAB HORUMARINEED

Awoodda weyn ee mala-awaalku ma helin doorkii iyo mudnaantii ay lahayd diin ahaan, cilmiyan, ama ruuxiyan. Dhammaan saddexdan waxay isku dayaan inay qofka siiyaan hab ama nidaam uu u noolaado ama u dhaqmo. Laakiin hal-abuurka iyo mala-awaalku waa kuwo gaar u ah qof walba, waxayna ku shaqeeyaan si ka madax bannaan nidaam iyo xeerar. Ma jiro nidaam rasmi ah oo lagu hago mala-awaalka ama shaqada hal-abuurka.

SIDEE BUU MALA-AWAALKU U SHAQEEYAA?

Waa wax yara kakan in si sax ah loo sharraxo waxa uu yahay mala-awaalku iyo sida uu u shaqeeyo. Laakiin wuxuu la mid yahay khulwada marka laga eegayo in lagu xalliyo dhibaatooyin lagana helo xalal cusub. Marka qofku adeegsanayo mala-awaalka, wuxuu galayaa xaalad maskaxeed oo ka duwan ta caadiga ah. Ma suurtoobayso in la curiyo gabayo cajiib ah ama sawir aad u qurux badan iyadoo qaybta ogaalka2 ee maskaxdu ay shaqaynayso. Sababtu waxay tahay in qaybta ogaalka ee maskaxdu ay isku daydo inay fahamto sababta shay walba loogu habeeyey si gaar ah, waxayna dooneysaa in hawluhu u socdaan si taxane ah oo habaysan, sida ABC. Tani ma ahan sida hal-abuurku u shaqeeyo, oo wuxuu tijaabiyaa fikradaha isagoo eegaya sida ay u dhacaan, isagoo aan si gaar ah ugu fiirsanayn xeerarka caqliga ama hab-dhaqanka caadiga ah. Waa mala-awaalka ee ma aha habka fikirka caadiga ah ee mas’uul ka ah inta badan horumarka aadanaha. Steve Jobs waxa uu adeegsaday mala-awaalkiisa si uu u abuuro alaabo gebi ahaanba cusub oo aan horey loo arag. Tesla waxa uu sidaas oo kale sameynayaa mashruuciisa SpaceX iyo baabuurtiisa korontada ku shaqeysa. Kuwani waa aragtiyo cusub oo gebi ahaanba ka duwan kuwii hore. Intaas waxaa dheer, haldoorrada la xuso ee ugu ficnaa hal-abuurka, qaar badan oo ka mid ah xitaa iskuul ma aysan tegin. Sida uu sheegay Edward Bach markii uu dhammeeyay waxbarashadiisa: "Waxay igu qaadan doontaa shan sano inaan illoobo wixii la i baray." Einstein isna ma aaminsanayn waxbarashada dugsiga, wuxuuna si caan ah u yidhi: " hab Fikirka wanaagsan wuxuu kaa caawin karaa inaad A ka tagto oo B gaadho, balse mala-awaalku wuxuu kuu horseedi karaa meel kasta.

Mala-awaalku waa aalad aad u xoog badan marka si sax ah loo isticmaalo, waxayna keeni kartaa faa’iidooyin badan oo dhaymo ah. Tani waa dood kale oo taageerayaasha Sharciga Soo Jiidashada ay u taageeraan. Si macquul ah, waxaa laga yaabaa inaad ogaato inaad leedahay dhibaato aan wali xal loo helin oo u baahan in la baadho. Laakiin haddii aad tahay qof leh malaawaal sare oo aad si sax ah ugu jihayso xiise weyn oo aad qabto, dhibaatooyinku way idlaan doonaan adoon u baahnayn baadhitaan dheeraad ah.

Sidoo kale, qaar ka mid ah dadka taageera hal-abuurka waxay ku doodeen in mala-awaalku yahay hab lagu soo bandhigo waxa ku jira caqliga hoose si ay u noqoto xasuus joogto ah. Sidaas darteed, waxaad rinji ama calaamad u samayn kartaa arrin aanad si joogto ah aanad u aqaban. Waxaa laga yaabaa in aadan fahmin sababta aad u dareento farxad kadib markaad qabato shaqo hal-abuur leh, laakiin taasi waxay noqon kartaa mid sababta oo taabaneysaa arrimo gudaha ah oo aan si miyir leh loo falanqeyn karin ama looga hadli karin. Habka uu garaadka hoose u wada xidhiidhiyo waa sawirro iyo masalooyin, ma aha mid ku saleysan xisaab ama qoraal toos ah. Tani waa waxa ay carruurtu inta badan sameeyaan marka ay ciyaarayaan ama wax sawirayaan. Si kastaba ha ahaatee, isticmaalka ballaadhan ee hal-abuurka iyo mala-awaalku, wuxuu wax weyn ka tari karaa horumarka nafta iyo awoodda maskaxda.

SIDEEN U ADEEGSADAA MALA-AWAALKAYGA?

Waxaa adkaan karta in la abuuro nidaam ama qaab-dhismeed la xidhiidha mala-awaalka, sababtoo ah dabeecaddiisa dabiiciga ah waxay ka hor imanaysaa nidaamyada ama wax kasta oo la jaanqaadaya mabaadi’da caqliga salka ku haya. Waxa ugu fiican ee aad samayn karto waa inaad si dhab ah naftaada ugu hibayso hawl hal-abuur leh oo aad si dhow ula socoto sida mucjisadu is daba joog ugusoo if baxayso. Mid ka mid ah xeeladaha ugu fiican waa:

(b) Samee 100 mala-awaal hal bil gudaheed.

(t) Qor 1000 eray oo hal-abuur ah maalin kasta muddo bil ah.

(j) Isku day inaad maskaxdaada ku sawirto meel ama xaalad aad rabto inaad gaadho, si dareen leh, muddo 10 daqiiqo ah maalin kasta.

Si kastaba ha ahaatee, waa wax la yaab leh sida ay ugu adagtahay dadku inay qabtaan hawlahaas fudud. Sababta ayaa ah in dadka badankoodu mar walba doonayaan inay ogaadaan “waayo” iyo inay gaadhaan yool macquul ah. Laakiin hababkani waxay ruxayaan maskaxdaada waxayna furayaan hal-abuurkaaga. Waxaad ka heli doontaa fahamyo iyo aragtiyo cusub mala-awaalkaaga ama qoraalladaada inta aad hawshaa ku guda jirto. Dhab ahaantii, waxaad heli doontaa natiijooyin ka wanaagsan haddii aadan lahayn ujeeddo gaar ah marka aad sameynayso qoraallada, mala-awaalka ama sawir-qaadista maskaxda, sida abaal-marin lacageed. Haddii aad si joogto ah u samayso waxyaabahan, faa’iidadoodu aad bay u weynaan doontaa.Talo kale oo muhiim ah: uma baahnid inaad barato sida saxda ah ee loo qoro ama loo muuqaaleeyo. Kani waa hal-abuurkaaga, si xor ah u samee, ka dibna ka faa’iidayso xoogga mala-awaalkaaga.

SIRAHA LAGU SOO JIITO HODANTINNIMADA

Waxaa jira xeelado hal-abuur leh oo aad adeegsan karto si aad maskaxdaada ugu khiyaamayso inay qaadato fikir badhaadhe iyo hanti ku dhisan. Siyaabo kala duwan ayaad ula dhaqmi kartaa sida game oo kale. Maskaxdu waxay caado u leedahay inay mar walba soo saarto walwal iyo cabsi la xidhiidha lacagta. Waa inaad isku daydaa inaad ka baxdo caadadan, adigoo iska dhigaya in aad tahay qof hanti leh. Maskaxdu ma laha awood ay ku kala saarto waxa dhabta ah iyo waxa la mala-awaalayo, sida ay muujiyeen cilmibaadhisihii ugu dambeeyay. U fiirso waxa dhacaya marka aad ka fikireyso cuntada aad ugu jeceshahay — jidhkaagu wuxu bilaabayaa inuu si dabiici ah uga falceliyo. Calooshaadu waxay bilaabaysaa inay guuxdo, waxaadna bilaabi kartaa dhareer, inkastoo aysan jirin cunto dhab ah oo hortaada taala. markasta aad kasii fikirto cuntada, jidhkaagu wuxuu sii dareemayaa gaajo. Sidaas oo kale, nidaamka jira ma kala saaro waxa dhabta ah iyo waxa la mala-awaalayo. Sidaa darteed, waxaad adeegsan kartaa xeelado hal-abuur leh si aad maskaxdaada ugu qanciso fikirka hodantinnimada.

Sirta Koowaad – Had iyo jeer lacag caddaan ah qaado.

Marka ay suurtagal tahay, hubi in boorsadaada ay lacag caddaan ah kuugu jirto. Waxaa fiican inaad lacagtaas si muuqata gacantaada ku sidato. Sidoo kale, mar walba xasuuso inaad bixiso gunno ah 20% marka adeeg lagu qabto. Labadan xeeladood waxay leeyihiin laba saameyn oo muhiim ah: Tan koowaad waxay tahay inaad maskaxdaada geliso fikirka qof hodan ah, maadaama aad la qabsan doonto inaad had iyo jeer haysato lacag ku filan isla markaana si deeqsinimo leh u bixiso gunno wanaagsan. Tan labaad waxay tahay in dadka kale ay bilaabaan inay kuu arkaan qof hodan ah, taasoo sababaysa in ay si toos ah kuugu muujiyaan rabitaan. Waxay la qabsanayaan inay arkaan adiga oo lacag haysta, una dhaqmaya sidii qof hanti leh waxay ku xidhayaan shakhsiyaddaada barwaaqo iyo hanti.

Sirta Labaad – la fadhiso dadka hodanka ah.

Dadka hantida leh waxay caado u leeyihiin in ay had iyo jeer lacag haystaan. Kama warwaan faqriga ama biilasha gebi ahaanba. Haddii aad naftaada ku hareerayso dadkaas, tamartooda iyo aaminaaddooda ayaa si tartiib ah kuu saamayn doonta. Haddii aad rabto inaad noqoto qareenka ugu fiican deegaankaaga, ma aha inaad kaliya raadiso aqoon, ee waa inaad naftaada ku hareeraysaa dadkaas si aad u la qabsato hab-fikirka ay ku soo jiiteen guusha iyo khibradda.

Sirta Saddexaad – Noqo qof mahadnaq badan.

Mahadnaqu waa furaha ugu weyn ee soo jiidashada. Wuxuu leeyahay faa’iido gaar ah maxaa yeelay wuxuu kugu abuuraya farxad, halka waxyaabaha la soo jiido badanaa ay farxadoodu

noqoto mid waqti gaaban ah. Haddii aad barato labadaba — soo jiidashada iyo mahadnaqa — markaas waxaad noqonaysaa qof aad u awood badan, maxaa yeelay: - Waxaad soo jiidanaysaa wixii aad rabto, - Isla markaana waxaad horey uga mahadnaqaysaa waxa aad haysato. Intaa waxaa dheer, marka aad ka mahadnaqdo waxa aad horey u heshay, ilaahay wuxuu kuu kordhinaya wax kale aad uga mahadnaqi karto, taasoo ka dhigaysa soo jiidashada mid fudud oo dabiici ah.