CUTUBKA 1AAD

CUTUBKA 1AAD

FAHAMKA MASKAXDA

Tallaabada ugu horreysa ee fahamka maskaxda waa in aad garato in fikirkaagu uu yahay kan go’aamiya waayo-aragnimadaada maalinlaha ah. Tani waa salka iyo udub-dhexaadka qoraallada ruuxiga ah iyo dugsiyada fikirka suufiyada. Sidoo kale waxa lagu arkaa cilmiyo badan oo saynis ah sida “quantum mechanics1”. Dadku waxay leeeyihiin hab-feker gaar ah oo ay ka qaateen si guud bulshada, qoyskooda, kooxo iyo ururro kale. Kadibna hab-fekerkaas waxay ku eegaan wax walba oo ku hareeraysan. Ugu danbaynna, si khaldan ayay u rumaystaan in aragtidooda iyo turjumaaddoodu tahay “dhab” laakin sida dhabta ah waa lagu kala duwanyahay, iyadoo ku xidhan fikradaha uu qof kastaa gaar u leeyahay . Tani waa sababta maanta adduunka kala duwanaansho ballaadhan uga jiro.

FIKRADUHU WAXAY ISU BEDELAAN SHAY DHAB AH

Qayb muhiim ah oo ka mid ah koritaanka ruuxiga ah waxay ku jirtaa in la iska tirtiro dhammaan fikirradihii aynu dhaxalnay yaraanteennii, Kuwaaso si toos ah maskaxdeenna loogu shubay. Marka aan baranno sidii aan uga saari lahayn dibna u dhisno fikirro iyo aamminaado waa marka aynu bilowno in aynu helno madax bannaanideenna dhabta ah innagoo hogaanka u hayna maskaxdeenna. Tani waa qayb kamida sababta khulwada loogu taliyo waqtiyo iyo dhaqammo kala duwan.

Waxaynu awoodnaa inaan si deggan u dhuganno hab-fikirkeenna innaga oo aan si toos ah uga falcelin ama uga qeyb qaadan. Tani waa mid ka mid ah siyaabaha kaliya ee aynu wax ugu arki karno si dhab ah. Haddii kale, waxaynu u baaahannahay inaynu isu aqoonsanno jinsigeenna, aragtideenna siyaasadeed, qoomiyadda ama heerkeenna bulshada. Arrimahan waxaynu si dabiici ah ugu aragnaa kuwo sax ah sababtoo ah waayo-aragnimadeenna nolosha oo xaddidan. Dadka aan fahmin awoodda maskaxdooda badankoodu waa kuwo lumay maadaama aysan garanayn in ay yihiin abuurayaal wacyi u leh xaqiiqadooda. Had iyo jeer waxay eedda dusha ka saari doonaan adduunka, wayna is waydiin sababta ay noloshu u adagtahay. Fahamka awoodda fikirka waa tallaabada ugu horreysa ee lagu gaadhi karo xakayam shakhsiyeed.

SAL-KACSANAANTA MASKAXDA

Marka laga eego nidaamyada ruuxiga ah, maskaxdu waa mid aan maangal ahayn, oo hab feker toosan lahayn, oo sal kacsan. Waxaa la inaga doonayaa in aynu ka warqabno maskaxda, oo aan ka fogaano khalkhalka si aan u aragno khaladaadkeeda iyo dabeecadaheeda aan hagaagsanayn. laakiin, waxaan khaladaadkaas ka arki karnaa nolosha dhabta ah: dagaallada, nacaybka, burburka deegaanka, takoorida, takoorka jinsiyadda , xadgudubka siyaasadeed, xidhiidhada burburay, barnaamijyada sirdoonka dawladda, daroogada casriga ah sida taleefannada gacanta, caadooyinka caafimaad darrada ah, iyo waxyaabo kale oo badan. Waxaa jira hawl-gab maskaxeed oo haysta aadamaha, taasina waa natiijada malaayiin maskaxood oo aan joogin meel sax ah.

Baraha bulshada iyo kuwa dhexe waxay ka shaqeeyaan barnaamijin maskaxeed oo dadka gelinaya cabsi iyo niyad jab. Xayeysiintu sidoo kale waxay leedahay waxyeello iyo saamayn xun, maadaama ay dadka ku dhiirrigeliso: Cabidda sigaarka, Cabitaanka khamriga, Isticmaalka sonkorta badan, Isticmaalka kafeega xad-dhaafka ah.

Qodob muhiim ah oo ay tahay in la ogaado in aadan ka badbaadayn xayeysiinta, xitaa haddii aad u malaynayso inaad ka badbaadayso. Markaad aragto ama maqasho wax xayeysiin ah, waxay raad kaga tagtaa caqligaaga hoose. Haddaba, haddii aadan damin muuq-baahiyahaaga ama aadan ka fogaannin suuqyada, Waxaad dhiibbane u tahay xayeysiinta.

OGAAL-CILMIYEED IYO OGAAL-MASKAXEED

Waxaa jira baadhitaanno cilmiyeed iyo aragtiyo nafsiyeed oo laga yaabo inay faa’iido u yeeshaan fahamka sida maskaxdu u shaqeyso. Kuwaas waxaa ka mid ah:

  1. Maskaxdu ma kala saari karto waxa dhabta ah iyo waxa khiyaaalka ah.

  2. 95% hawsha aad maalin kasta qabato waxay ka timaaddaa caqliga hoose — isku day inaad si miyir leh uga warqabto waxkasta oo aad galinayso caqligaaga hoose, horumarkaagaa si weyn hoos ugu dhici doonaa.

  3. Caqliga hoose wuxuu kaydiyay wax kasta oo noloshaada ka dhacay, si la mid ah kombiyuutar aad u weyn.

  4. Waxaynu helnaa qiyaastii 2 milyan oo xog ah ilbidhiqsigiiba, shaqada caqliga hoose waa inuu kala shaandheeyo dhammaan xogtaas.

  5. Caqligeenna sare waxa uu xasuusan karaa inta u dhaxeysa 5 ilaa 9 xogood. Xogtana waxaa loo wareejiyaa caqliga hoose si uu ugu shaqeeyo, taasoo ka dhigaysa caqliga sare mid udiyaar ah xogo cusub.

  6. Tamarta ugu badan ee jidhkeennu isticmaalo waxay ku baxdaa maskaxda.

Waxyaabahan la ogaaday waxay leeyihiin muhiimad weyn. Haddii inta badan nolosheennu ay ka timaaddo caqliga hoose, markaas waa in aan xooga saarnaa sida aan u hagno caqliga hoose halkii aan ka xoojin lahayn awoodda caqliga sare. Sida uu sheegay Carl Jung: “Ilaa aad ka dhigto waxa qarsoon mid muuqda, noloshaada ayey hagi doontaa, adiguna waxaad ugu yeedhi doontaa ‘nasiib’.

Hagidda caqliga hoose si loo gaadho koboc muuqda waxay sees u tahay dhiirrigelin maskaxeed iyo is-dajin maskaxeed si loo helo awood shakhsiyadeed. Laakiin waxaa jira xeelado kale oo muhiim ah si loo dhiso maskax togan oo keenta koboc iyo qanacsanaan nololeed.