general knowledge

Dagaalka Gudahaaga Ka Socda: Waa Maxay 'Cognitive Dissonance'?

4 daqiiqo 23 daawasho
La wadaag:
Dagaalka Gudahaaga Ka Socda: Waa Maxay 'Cognitive Dissonance'?
Farta:
Nooca:
Muuqaalka:

Dagaalka Gudahaaga Ka Socda: Waa Maxay 'Cognitive Dissonance'?

Weligaa ma is aragtay adigoo samaynaya wax aad si dhab ah u ogtahay inay khaldan yihiin, ama wax aan u wanaagsanayn mustaqbalkaaga? 

Tusaale ahaan, berri ayuu imtixaan kugu soo fool leeyahay, waad ogtahay inaad u baahan tahay inaad wax akhrisato, haddana waxaad 3 saacadood ku dhex jirtaa TikTok adigoo "scroll" garaynaya. Markaasaad naftaada u cudur-daaraysaa adigoo leh: "Waan yara nasanayaa uun, goor dhow ayaan buugga furayaa oon akhrinayaa."

Dareenkaas ku dhibaya marka ficilkaaga iyo waxaad aaminsan tahay ay iska hor yimaadaan cilmi-nafsiga (Psychology) waxaa lagu magacaabaa Cognitive Dissonance. Af-Soomaali ahaan waxaan dhihi karnaa "Isku-dhaca Fikradaha" ama "Dagaalka Qalbiga iyo Gacanta".

Waa mowduuc xiiso badan oo taabanaya nolosheena maalinlaha ah, maskaxdeena, falsafadda, iyo waliba diinteena suuban ee Islaamka. Aan isla eegno dhinacyadan kala duwan si aan u fahamno sababta aan mararka qaar u dhaqanno si liddi ku ah waxa aan aaminsannahay.

 Dhinaca Cilmi-Nafsiga 

Maskaxda bini'aadamku waxay jeceshahay nidaamka iyo is-waafajinta. Markaad waxa aad aaminsan tahay iyo waxa aad samaynayso ay is-khilaafaan, maskaxdaadu waxay dareentaa culeys weyn (psychological stress). Si ay culeyskaas isaga yareyso, maskaxdu laba waddo midkood ayay qaaddaa:

  1. Inaad joojiso dhaqanka xun (Tani waa wadada adag).

  2. Inaad maskaxda been u sheegto / Cudur-daar samayso (Tani waa wadada fudud ee badankeen aan marno).

Tusaale dhab ah oo waqtigan dhallinyarada haysta:

Qof dhalinyaro ah ayaa ogaaday in sigaarka ama 'Vape'-ka ay caafimaadka halis ku yihiin. Laakiin weli wuu cabbaa. Halkan waxaa ka dhashay Cognitive Dissonance. Halkii uu ka joojin lahaa, wuxuu maskaxdiisa ka dhaadhicinayaa: "Kaliya markaan stress dareemo ayaan cabbaa," ama "Awoowgeyba sigaar buu cabi jiray oo 90 sano ayuu noolaa." Waa cudur-daar ay maskaxdu samaysay si ay iskaga dejiso dagaalka gudaheeda ka socda.

 Dhinaca Falsafadda

Falsafad dhankeeda hadaan ka eegno, Cognitive Dissonance waxay na weydiisaa su'aal weyn: Bini'aadamku ma runta ayuu raadiyaa, mise raaxo been ah?

Faylasuufyadii hore waxay aaminsanaayeen in aadamuhu yahay xayawaan caqli badan (Rational animal). Balse arrintani waxay muujinaysaa inaan nahay makhluuq caqliga isticmaala si uu u caddeeyo khaladaadkiisa (Rationalizing animal).

Falsafaddu waxay ina leedahay, in aad ogaato is-khilaafkaaga waa bilowga xikmadda. Haddii aadan waligaa is-weydiin: "Waxa aan maanta samaynayo iyo qofka aan rabo inaan berrito noqdo, ma is-waafaqsan yihiin?" waxaad ku noolaanaysaa nolol dhalanteed ah. Oggolaanshaha in aad is-khilaafsan tahay waa tallaabada koowaad ee lagu raadiyo runta noloshaada.

 Xaqiiqada Maalinlaha ah ee Dhallinyarada 

Dhallinyarada maanta, isku-dhacan wuxuu si joogto ah uga dhacaa Baraha Bulshada (Social Media) iyo Saaxiibada (Peer Pressure).

Tusaale ahaan, Waxaad online-ka soo dhigtaa sawirro muujinaya inaad aad u faraxsan tahay, noloshaaduna tahay 100% kaamil. Laakiin gudaha, waxaad ka dareemaysaa cidlo, walwal, ama isku-buuq. Farqiga u dhexeeya noloshaada dhabta ah iyo shaashadda aad dadka tustid waa Cognitive Dissonance weyn, waana sababta dhallinyaro badan ay niyad-jabka (depression) u dareemaan waqtigan.

 Dhinaca Diinta Islaamka (The Islamic Perspective)

Halkani waa meesha ugu quruxda badan ee diinteenu ay kaga hadashay arrintan qarniyo ka hor inta aanu cilmi-nafsiga casriga ahi magac u bixin.

Islaamku isku-dhacan wuxuu ugu yeedhaa dagaalka u dhexeeya Fitrah (Abuurka dabiiciga ah ee nadiifta ah) iyo dhaleecaynta ay samayso Nafs Al-Lawwaamah (Nafta is-canaanta).

  1. Nafta Is-Canaanta: Quraanka dhexdiisa, Allah wuxuu ku dhaartay Nafta is-canaanta (Suuradda Al-Qiyaamah: "وَلا أُقْسِمُ بِالنَّفْسِ اللَّوَّامَةِ"). Marka aad dembi samayso, ama aad waqtigaaga iska lumiso, diiqadda iyo eedda aad gudaha ka dareemayso ma ahan wax xun, Waa calaamad muujinaysa in Iimaankaagu nool yahay. Waa qaylodhaan kaaga timaaday qalbigaaga oo ku leh: "War waxani adiga kuma qabtaan, dariiqii saxda ahaa ku noqo."

  2. Munaafaqnimada (Hypocrisy): Khatarta Cognitive Dissonance waa in haddii aad iska indhatirto muddo dheer, qofku wuxuu isu beddelaa Munaafaq. Wuxuu afka ka sheegtaa Iimaan iyo wanaag, laakiin ficilkiisu waa mid kale, wuuna la qabsadaa ilaa qalbigu ka madoobaado.

  3.  Xalku waa Tawbah (Toobad-keen). Islaamku kuma qasbayo inaad ahaato malaa'ig aan waligood khaldamin. Wuxuu ku leeyahay: Marka ficilkaagu khaldamo, ha samayn cudur-daar (Ha u raadin marmarsiiyo diineed ama mid caqliyeed). Si toos ah u qiro khaladkaaga, weydiiso Allah dembi-dhaaf, dibna isku sax.

Gunaanad: Sideed uga adkaan kartaa Dagaalkan?

Si aad uga baxdo isku-dhacan anfeed oo aad ugu noolaato nolol deggen oo nabad ah:

  • Jooji Cudur-daarka : Naftaada runta u sheeg. Haddii waxa aad samaynayso ay khaldan yihiin, qiro inay khaldan yihiin.

  • Yaree Farqiga: Ujeedada noloshaadu ha noqoto in waxa aad aaminsan tahay (Diintaada, qiyamkaaga, yoolkaaga) iyo waxa aad gacanta ku samaynayso ay is-raacaan.

  • Ka digtoonow cida aad la socoto: Haddii saaxiibadaa ay kuu kaxaynayaan meel ka soo horjeedda caqiidadaada iyo akhlaaqdaada, waa waqtigii aad saaxiibo cusub raadin lahayd.

Dhallinyaro, noloshu way fududahay marka qofka aad gudaha ka tahay iyo qofka aad dibadda ka tahay ay yihiin hal qof. Is-waafaji maskaxdaada, qalbigaaga iyo gacmahaaga, halkaas ayaa laga helaa guusha iyo xasiloonida dhabta ah.