Haddii Aad Isku Aragto 5-tan Calaamadood… Muddo Dheer Ayaad Kaligaa Ahayd (Dareen Ahaan)
Noloshu mararka qaar waxay nagu qasabtaa inaan dhabarka u ridano culeysyo ka da'da weyn nafteena. Inaad kaligaa ahaato macnaheedu maahan oo kaliya inaad qol madow dhex fadhido adigoon cidna la hadlayn; waxaa jira nooc kalinimo ah oo kaa ka daran, waana kalinimada dareenka (Emotional Loneliness)
Waa nabar aamusnaan ah; adigoo ku dhex jira dadkii aad jecleyd, ayaad hadana gudaha ka dareemaysaa inuusan qofna ku fahmeyn.
Haddaad isku aragto shan-tan calaamadood, ogow muddo dheer ayaad dareen ahaan kaligaa ahayd, naftaaduna waxay baratay inay si aamusnaan ah u dagaallanto:
1. Dadka Uma Sheegtid Waxa Aad Dareemeyso
Maba isku dayid inaad qof la wadaagto murugadaada ama farxadaada. Sababta ugu weynna waa adoo aaminsan inuusan jirin qof dhab ahaantii kuu nugul oo kugu dhihi kara "Anigaa kuu joogo, ila wadaag culeyska". Waxaad doorataa inaad aamusnaato, sababtoo ah waxaad arkaysaa in sharraxaad badan eed naftaada dadka u sharaxaysid ay daal kugu tahay.
2. Adigoon Cidna U Sheegin Ayaad Dhuumataa
Mararka qaar, adigoo dad dhex fadhiya ayaad dareentaa in neeftu kugu dhegeyso. Waxaad doorataa inaad si aamusnaan ah meesha uga tagto adigoon qofna u sheegin meesha aad aadeyso. Kaliya waxaad u baahan tahay inaad naftaada kali la noqoto, kana fogaato sawaxanka aduunka, oo aad soo ceshato deganaantii .
3. Xiriir Ayaad U Hanqal Taagtaa, Laakiin Markuu Kuu Soo Dhowaado Qofku Waad Iska Riixdaa
Waa mid ka mid ah calaamadaha ugu adag kelinimada. Gudaha waxaad ka rabtaa inad hesho qof ku jecel, ku fahma, oo kula qaybsada nolosha. Laakiin, isla markii uu qof kuu soo dhowaado, waxaa kugu dhasha baqdin. Waxaad bilaabaysaa inaad dadka iska fogeyso oo aad iska riixdo, adoo ka baqaya in dhabarka laguu jeediyo ama laguu dhaawaco hadhow.
4. Fekrado Culus Ayaad Kaligaa Xambaarsan Tahay
Hadday ahaan lahayd walbahaarka shaqada, nolosha, ama mustaqbalka, dhammaan fekeradaas culus madaxaagay ka guuxayaan. Sababta aadan dadka kale ula wadaageynin maahan inaadan ku kalsoonayn, balse deeqsinimo iyo naxariis ayay kaa tahay oo ma rabtid inaad qof kale culeys iyo walbahaar ku noqoto.
5. Waxaad Rajeysaa Inuu Qof Un Ku Garto, Adigoon Caawinaad Waydiisan.
Waxaad mar walba niyaysataa inay timaado maalinta uu qof indhahaaga ka akhrisanayo xanuunkaaga. Waxaad rajeysaa inuu qof ku yidhaa "Maanta caadi ma tihid, maxaa jira?" adigoon adigu caawinaad weydiisinin waxna u sharrixin. Waxaad u ooman tahay qof si dhab ah kuu fahma.
Ereyga Ugu Dambeeya: Waxaad Baratay Inaad Kaligaa Badbaado
Haddii aad calaamadahan isku aragtay, waxaad tahay qof adkeysi badan. Waxaad baratay inaad kaligaa badbaado iyadoon lagu dareemeynin. Middaas waxay ku tusaysaa adkeysiga gudahaaga ku jira, laakiin xusuuso: bini-aadam ahaan uma abuurmin inaynu wax walba kaligeen dhabarka u ridano.
Maahan daciifnimo inaad dareenkaaga muujiso, mana aha dambi inaad qof garab weydiisato. Naftaada u naxariiso, oo u oggolow dadka saxda ah inay kuu soo dhowaadaan.