"Markaad dhalinyaro tihiin eed is guursanaysaan uma baahnidiin xaflad iyo aroos weyn ama hebal/heblayo arooskii qarniga ayeey dhigteen ee ana aan dhigto"
Lacagta aad halkaas ku lumineysaan waxbaad ku qabsan kareysaan. laga yaabee lacagtaas inuu wiilku kala badh deyn ku keenay. marka la eego qofka Soomaaliya jooga oo aysan dhaqaallo badan jirin ma wacna inaad 10–15k$ malayacni ku qasaarisaan .
Wiilkuna wuxuu hawshaas oo dhan u sameynayaa waa gabadhisa farxaddeeda awadeed. laakin imisa ayaa la arkay aroos hal habeen lagu gubay lacag qayru xad ah subaxnimaddiina wiilku uusan kun shilin haysan oo uu saxiibaddii waco kuna dhahao "saaxiib biil ma hayee bal wax isoo dir .
Quruux iyo sumcad midna idiin ma aha dad aan idin ogena ha u qurxinina habeenkiinna ee wax keysi yeesha. inaad kayd leedihiin aad bay u wanaagsan tahay.
"Lacagta aad arooska ku khasaarineysaan waxa habboon inaad dalxiis ku aadaan ama aad gurigiinna cusub ku qurxisataan ama cimro aadda.
Guri kiro haddii aad dageysaana inaad 6 bilood contract la gashaan lacagtana aad iska sii bixisaan si aysan bilaha ugu horreeya ayaa fiican si ayna kugu adkaan ugana fikirin kirada.
Wiilkuna waa inuu kasoo fasax qaadan karo shaqadda 2–3 bil idinkoo kaydkiinna isticmaaalaya mudadaas.
Sidoo kale gabadhadda/xaaskaagga ah waa inaad ka farxiso dahab iyo waxey markaa u baahan tahay u iibiso maadaama ay masuuliyadda kula qaadey unna mahadceliso wax badan.
Gunaanadka:
Dhalinyaro dhaldhalalka yar waa laga baxayaa, garta mustaqbalka dheer iyo safarka nolosha ee idiin sugeya, iskana ilaaliya maxaa iga galay waa hagrasho iyo xaasidnimo mana fiicna.
Wallaahi waa wax foolxun xaasidnimo iyo hagrasho inaad ku noolaataan. Marba haddaad qofkan nafta ag dhigtay oo midoowdeen nafta isku hura OO kalgacal kuwada noolaadda.
" sidaan waxa yidhi gabadh dhalinyaro ah
Maxay kula tahay adiga.?