general knowledge

Dhibaatada Rasmiga ah ee Xidhiidhada Fogaanta (Long-Distance)

2 daqiiqo 1 daawasho
La wadaag:
Dhibaatada Rasmiga ah ee Xidhiidhada Fogaanta (Long-Distance)
Farta:
Nooca:
Muuqaalka:

Dhibaatada Rasmiga ah ee Xidhiidhada Fogaanta (Long-Distance)

Sababta dhabta ah ee ay u burburaan xidhiidhada loo yaqaan Long-Distance-ka ayaan maanta idiin sheegayaa.

Xidhiidhada labada qof ay kala fog yihiin, masaafadu si toos ah uma burburiso, laakiin kala fogaanshahaas ayaa abuura dhib kale oo ka sii daran: wuxuu abuuraa meel bannaan.

Xidhiidhkiinu wuxuu isku beddelayaa sidii adigoo la hadlaya qof khiyaali ah ama virtual person. Waayo, qofkii si toos ah uma arki kartid; ma ogid wuxuu dareemayo, wuxuu tabayo, iyo xaaladda dhabta ah ee uu ku sugan yahay midna.

Tusaale ahaan, haddii aad isku guri deggen tihiin, markii uu saygagu ama xaaskaagu aamuso/aamusto, waad garan kartaa sababta uu u aamusay; laga yaabaa inay shaqadu maanta ku soo adkaatay, wejigiisana waad ka dareemi kartaa.

Laakiin xidhiidhada kale ee lakala fog yahay, haddii qofku qoraalka (text-ga) la soo daaho ama uu kaa aamuso, ma garanaysid sababta dhabta ah. Ka dib, maskaxdaada ayaa bilaabeysa inay buuxiso meeshii bannanayd, adigoo wax dhalanteed ah iska samaysanaya. Waxaad iska odhanaysaa: "Laga yaabaa inuu iga xiiso dhacay," ama "Laga yaabaa inay dad kale la hadlayso."

Waa inaad ogaataa, maskaxda bini-aadamku ma jecla meelaha banaan ama waxyaabaha aan kala caddayn, ka dibna iyadaa iskeed u mala-awaalata sheekooyin si ay meesha banaan u buuxiso. Waana dhibta ugu weyn ee haysata dadka kala fog; qof walba isagoon saaxiibkii wax badan ka ogeyn ayuu haddana mala-awaal iyo shaki ka aaminsan yahay.

Sidoo kale, qofku xitaa haddii uu kula soo hadlo, oo aad Video Call kuwada jirtaan, ma dareemi kartid culayska ama xaaladda dhabta ah ee uu dhex dabaalanayo.

Baraha bulshadu (Social Media) waxay inaga dhigeen inaan iska dhigno wax aynaan ahayn, iyo inaan muujino dareen aynaan dhab ahaan dareemayn. Markaad muddo fogaanta ku wada socotaan, hadalkiinu wuxuu isku beddelaa sidii hawshaan (assignment) maalinle ah oo la iska gudbinayo: "Iska warran? Sidey shaqadu ahayd? Maxaad qabanaysaa?" Ma jiro wax intaas dhaafsiisan oo la wadaago.

Waa cajiib walee!